Ma Taqaanaa Cunooyinka Marka La Isku Daro Sunta Noqon Kara?
Qof kasta oo bini aadam
ah wuxuu haystaa wuxuu Eebbe siiyay. Maalin kasta oo qof go'aansado inuu wax
cuno waxaa laga yaabaa inuu sun sumeeyo.
Cuntada uu qofku cunaa
waxay la socotaa xaaladda caafimaad. Hal qof ayaa si isku mid ah oo fudud u
cuni kara, laakiin waxaa laga yabaa in qof kale ay sun ku noqoto.
Xaaladdan waxaa uga sii
dari karta cawaaqibta ka dhalan karta marka aad ku guul darreysato inaad isku
dartid isku -dhafka cuntada ee saxda ah iyo kuwa caafimaadka leh.
Nooc kasta oo cunto ah
waxay leedahay faa'idooyinkeeda, laakiin marka la isku qaso waxay dhibaato u
keeni kartaa qofka.
Xabiiba Haaruna oo ah
khabiir ku takhasustay cuntooyinka nafaqada leh oo u dhalatay dalka Nigeria
ayaa BBC -da u sheegtay lix nooc oo cunto ah oo qof kasta sumayn kara.
Caano iyo Kallun
Kalluunka iyo Caanaha
waa cuntooyin ay ka buuxaan nafaqooyinka balse waxaa laga yabaa marka la isku
daro inaysan awoodin u yeelan inay sameeyaan nafaqooyinka saxda ah, taasina
waxay sababi kartaa kartaa dhibaatooyin caafimaad.
Jirka bani'aadamku uma
baahna cuntooyin kala duwan oo ay ku jiraan kiimikooyin isku mid ah. Waxay
sababi kartaa in jirka uu sumoobo oo matag iyo shuban uu qofka ku dhaco.
Biyaha Liinta iyo
Caanaha
Caanaha iyo liinta hal
meel ma wada geli karaan, oo haddii la isku qaso iskuma milmaan.
Haddii qofku caanaha ku
daro liin dhanaanta wuxuu jirkiisa sameynayn karaa sun, taas oo sidoo kale
keeni karta dhibaatooyin dhanka wadnaha ah.
Lawska iyo Saliid Saytuun
Lawska ayaa aad muhiim
ugu ah jirka aadanaha waxaana laga isticmaalaa meelo badan.
Lawsku waxa kale oo uu
leeyahay borotiinno iyo karbohaydraytyo aad u sarreeya, sidoo kale lawsku waxa
uu ka mid yahay nafaqooyinka ugu muhiimsan cuntada, gaar ahaan kuwa doonaya in
ay miisaanka iska ridaan.
Saliidda saytuunka ayaa
iyaduna aad waxtar u leh gaar ahaan arrimaha daaweynta cudurrada qaarkood,
laakiin isku darka saliidaan iyo lowska waxay keeni karaan dhibaatooyin
caafimaad waxaana lagu talinayaa in marba mid la isticmaalo oo aan la isku
darin.
Daawooyinka iyo liinta
Marka aad daawo
qaadaneyso ma wanaagsana inaad ku dhexqasto biyaha liinta sababtoo ah waxaa ka
dhalan kara Gaas oo qofka u horseedi karo dhibaato caafimaad oo halis ah.
khubaradu waxay sheegeen in qaddii aad daawada ku liqdo cabitaanada aalkolada
ku jiraan sida sida fanta ama Coca-Cola ay sababi karto dhimasho sababtuna
waxay tahay in gaas badan uu ku jiro cabitaanadaasi.
Waxay intaasi ku dartay
in liinta ama cabitaan kasta oo kale oo aalkolo ku jirto aan lagu darin daawo.
Hilib ceeyriin ah iyo
ukun
Isku darka hilibka aan
la karin iyo ukunta cayriinka ah waxay dhibaato ku keeni kartaa jirka aadanaha.
Dadka qaar sun ayay ku
noqon karta halka qaar kalana ay u horseedi karto matag iyo shuban sababtoo ah
waa inaan sidaas loo isticmaalin.
Hilibka ceeyriinka ah
wuxuu keeni karaa waxyeellooyin haddii aan la raacin sidii loogu talagalay oo
ah in la yareeyo xaddiga nafaqooyinka ku jira.
Khubaradu waxay
sheegeen in ukunta cayriinka ah aysan lahayn nafaqooyinka ku jira jirka
aadanaha, laakiin waa inaan la cunin ilaa la kariyo ama la shiilo si ay jirka
ula fal-galaan.
Khubaradu waxay dadka
kula taliyaan inay cunaan waxay og yihiin inay faa'iido u tahay oo aanay wax
dhibaato ah u keenayn.
Tijaabinta cunnooyin
cusub ayaa laga yaabaa inay faa'iido u tahay dadka balse qaar kale ayaa laga
yabaa inay waxyeello u geysato.
Waxaa jira noocyo badan
oo cuntooyin ah oo haddii la isku qaso keeni kara waxyeello ba'an.
BBC