Dagaal Dib Uga Qarxay Khartuum Kaddib Markii Ay Dhamaatay Muddadii Xabad Joojinta
Dadka ku sugan
caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum ayaa soo weriyay dagaallo dib uga qarxay
dhawr goobood oo magaalada ku yaala maanta oo Axada, kaddib markii ay dhamaatay
waqtigii xabad joojinta ee dhinacyada is haya ku heshiiyeen, taasoo ay
garwadeen ka ahaayeen dawladdaha Maraykanka iyo Sucuudiga.
Dad goobjoog ah ayaa
sidoo kale soo weriyay dhicitaanka diyaarad milatari oo ku dul burburtay
Omdurman oo kamid ah sedexda magaalo ee ay ka kooban tahay caasimadda weyn ee
Khartuum. Ma jiro waxa warra oo ka soo baxay milatariga oo aalaaba adeegsanayay
diyaaraddaha dagaalka tan iyo markii ay bilaabatay dirirta Suudaan si uu u
bartilmaameedsado saldhigyada ciidamada sida milatariga u tababaran ee RSF.
Sucuudiga iyo
Maraykanka ayaa sheegay inay isku dayayaan inay ku qanciyaan ergooyinka
Milatariga iyo RSF ee jooga Jeddah in waqti dheeraada lagu daro xabad joojinta
waloow atintaasi ay istaagtay todobaadkii hore.
"wadaxajoodyadaasi waxa
diiradda lagu saarayay si loo fududeeyo gargaarka bini’aadanimo iyo sidii
heshiis xiliga gaaban ah loo gaari lahaa kahor inta aanay dib u bilaaban
wadahadallada Jeddah,” ayaa lagu yiri war wadajira oo ay saareen labada wadan.
Heshiiska xabad
joojinta ayaa soo bilowday 22 May, wuxuuna ku ekaa xalay fiidnimadii.
Heshiiskaasi waxa uu
xoogaa yareeyay dirirtii socotay, isagoo gacan ka geystay in la fududeeyo
gurmadka gargaarka, laakiin sidii horey u dhici jirtayba, dhawr jeer ayaa lagu
xadgudbay xabad joojinta.
Meelaha dagaallada
cusub laga soo weriyay maanta oo Axada waxa kamid ah Bartamaha iyo Koonfurta
Khartuum, iyo Bahri oo ku teedsan naylka buluugga ah illaa waqooyiga.
Dagaalka todobada
todobaad galay ayaa barakiciyay 1.2 milyan oo qof dalka gudihiisa, iyo 400,000
oo qof oo u qaxay wadamada dariska ah.
BBC