Hargaysa:-Haay'adda Caalamiga Ah Ee SOS Oo Xustay 70 Guuradii Ka Soo Wareegtay Aas-Aaska Haay'adda.
Munaasibadan balaadhan ayaa waxa ka soo qayb-galay maamulka haay’adda SOS,Wasiiro ka Socda Xukuumadda Iyo Marti Sharaf Badan oo dhamaantood haay’adda ku bogaadiyay qaabka ay u daryeeshay ubadka Aan lahayn Waalidiinta iyo waliba Qaabka ay u taageerto Qoysaska Baahan ee Aan awoodin in ay ubadkooda u galaan kaalintii waalid-nimo.
Haay’adda SOS ayaa waxa ay ka shaqaysaa Daryeelka Caruurta,Taakulaynta Qoysaska Danyarta ah,Shaqo Abuurka Dhalinyaradda Iyo Barnaamijka Gurmadka deg deg ah,waxaana ay bulshadda somaliland Ku Xasuustaan Haay’adda SOS kaalinta muuqata ee ay bulshadda ugu jirto.
Ugu Horayn waxa Munaasibada Furay Agaasimaha Guud Ee Haay’adda SOS Mustafe Xaaji Cadow waxaana uu ku dheeraaday sida ay markasta uga Go’an tahay Haay’adda in ay bulshadooda u adeegaan.
"Haay’adda SOS Waa Haay’adda Caalami ah waxa ay ka shaqaysaa Boqol Iyo Sodon Waddan oo caalamka ku yaala waxaana waxyaabaha ay shaqadda ku bilawday ka mid ah Caruurta aan Hooyadda iyo Aabaha Lahayn sidii xal loogu heli lahaa ayay marka hore shaqadda ku bilawday,waxaana weeye sida ugu haboon ee caruurtu u koraan waa in ay waalid haystaan taas ayay haay’adda SOS Bilawday oo hadda waxa ay haysaa caruur aad u badan,waxaana haay’addu bulshadda u qabataa adeegyo badan oo ay ka mid yihiinBarnaamijka Gurmadka Deg Deg ah.
Madax mashaariicda Haay’adda SOS Saleeban Ismaaciil oo isaguna madasha ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in caruurta waayay Hoyooyinkood iyo Aabahood ay u galaan kaalintii waalid-nimo waxaana uu yidhi.
.”Haay’addani ujeedada Koowaad ee laga leeyahay waa in dhalinyaradda iyo caruurta Dayacan loo fidiyo gargaar iyo daryeel si ay u noqdaan qaar ku aflaxa nolosha,himiladooda gaadha noqdana gaar noloshooda wax badan ka hiigsada,markaas haay’adu waxa ay u shaqaysaa laba nooc oo caruur oo kala ah qaar waayay waalidiintood oo agoon noqday iyo qaar looga cabsi qabo in ay wayaan dareeylka waalidka duruufo ku xeeran awgood markas kuwaas ayaan u galnaa kaalintii waalid-nimo waxaan u korinaa sidii ay bulshadda iyo qarankaba wax ugu soo celin lahaayeen.
Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Mudane Boose Mire Maxamed Ayaa Haay’adda SOS ku amaanay kaalinta muuqata ee ay kaga jirta dalka somaliland iyo sida ay markasta ugu heelan tahay in bulshadda danyarta ah iyo dadka waayay kaalintii waalid-nimo in ay gacan qabtaan oo nolosha heer ka gaadhsiiyaan.
"waan idiinku amaanaynaa ka wasaarad ahaan kaalinta muuqata ee aad dalka kaga jirtaan sida aad markasta iskugu hawshaan inaad caawisaan oo aad waliba daryeeshaan caruurta waayay hoyooyinkood iyo aabahood oo aad u gashaan kaalintaas iyo inaad waliba taageertaan qoysaska danyarta ah ee aan caruurtooda u buuxin Karin kaalintii waalid-nimo aad ayaad ugu mahadsan tihiin sidaad qarankiina ugu shaqaynaysaan.
Wasiirka wasaaradda shaqo galinta iyo arimaha qoyska somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa sheegtay in Haay’adda SOS ay ku hambalyaynayaan sida ay bulshadooda jilicsan ugu adeegayaan.
"Waan ku hambalyaynayaa Haay’adda SOS in ay gaadhay Sanad Guuradeedii Toddobaatanaad waan idin leeyahay waan idiinku hambalyaynayaa ilaahay waxaan idiinka baryayaa inaad jirtaa sanado badan,haay’addan SOS Qaabka ay caruurta u koriso oo bulshadda danyarta ah u taageerto waa sida ugu quruxda badan ee caruur loo rabeeyo marka loo eego qaabka loo tayeeyay adeegyadda a haay’adu bixinayso.
Intaas waxa ay ku dartay wasiirka wasaaradda Shaqo Galinta Iyo Arimaha Qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamc Xirsi Gaani iyadda oo hadalkeeda Siiwadata.”Runtii waxa aynu wadda ogsoonahay in ilmahu ku barbaaro qoys dhisan oo dhamaystiran markaas markaan u kuur galay Haay’adda SOS Ee Aan darsay qaabka ubadka loo korinayo in ay tahay runtii qaab aad iyo aad u qurux badan oo ilma kasta oo ay barbaariyaan noqonayo mid dhaqanka iyo diinta ku dhisan ayaan qirayaa.
Haay’adda Caalamiga ah Ee SOS ayaa Mudooyin badan oo ku siman toddobaatan sano waxa ay ka shaqaysaa sidii ubadka aan lahayn hooyadda iyo Aabaha iyo qoysaska danyarta ah u caawin lahayd.