Gabadh Reer Somaliland ah Oo Ku Guulaysatay Abaal-marin Caalami ah
Washington–(HWN):- Dr.
Sacda Mire oo ah Aqoonyahanad ku Takhasustay baadhista Aataarta Qadiimka ah,
kana shaqaysa, ayaa ku guulaysatay Abaal-marin Caalami ah.
Dr Sacda oo asal ahaan
ka soo jeeda Somaliland, haysatana dhalashada Dalka Sweden, isla markaana ka shaqaysa
u ololaynta iyo horumarinta Hiddaha iyo dhaqanka, ayaa ku guulaysatay
abaal-marinta Caalamiga ah Wayfinder Award oo ay bixiyaan Ururka National
Geographic Society oo xaruntiisu tahay dalka Maraykanka.
Abaal-marinta
‘Wayfinder’ ayaa lagu maamuusaa Dadka dedaalkoodu saamaynta wax-ku-oolka ah
yeesho, kana shaqeeya Isku-xidhka Taariikhaha Umadaha isla-markaana Shaqadoodu
daah-furto Hal-abuur Horumar Horseeda.
"Aniga oo ku hadlaya
magaca Ururka ‘National Geographic Society’ waxaan ku hanweynahay inaan magacowno
15-ka qof ee raad-raacayaasha ah inay yihiin kuwa sanadkan 2023-ka helay
Abaalmarinta Wayfinder, taasi oo ku timid Wax-qabadkooda gaarka ah ee heer
maxalli ah iyo mid caalami ah,” sidaa waxa yidhi Alexander Moen oo ah Madaxa
Hawl-gelinta National Geographic Society oo ka mid ah hay’adaha ugu waaweyn
caalamka ee ka shaqeeya horumarinta Cilmiga iyo Waxbarashada.
Sacda Mire oo haysata
Shahaadada sare ee PhD, ayaa ka hawl-gasha Machadka Cilmi-baadhista Aataarta
qadiimiga ah ee Jaamacadda London, iyadoo ah Aasaasaha Madxafka Horn Heritage
Foundation, waxayna ka shaqaysaa oo kale Cilmi-baadhista iyo ilaalinta Hiddaha
iyo dhaqanka Geeska Afrika.
Dr Sacda Mire, ayaa ah
gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo barata cilmiga Aataarta qadiimiga ah oo
ay ka shaqaynaysay in ka badan toban sano, waxay cilmi-baadhis ka samaysay
Somaliland iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay War ay baahisay Hay’adda
Abaal-marintan bixisa, taasi oo intaa ku dartay Inay ahayd Agaasimihii aasaasay
Waaxda Aataarta Qadiimka ah ee Somaliland.
"Waxa aan Aad ugu
faraxsanahay in aan la wadaago in aan ku guulaysto Abaalmarinta Wayfinder,
anigoo ka mid noqonaya shabakada caalamiga ah ee National Geographic,” sidaa
waxa tidhi Sacda Mire oo qoraal kooban oo ay guusheeda kaga dareen-celisay ku
baahisay barteeda Twitter-ka.
Abaal-marinta lagu
maamuusay Dr Sacda Mire, ayaa u saamaxaysa inay ka mid noqoto shabakadda
Khubarada caalamiga ah ee ka hawl-gala hay’adda National Geographic Society.
Sida lagu shaaciyey
war-saxaafadeed ay soo saartay hay’adda National Geographic Society, Dr Sada
Mire ayaa ah Qofka Kaliya ee Soomaali ah ee ku jira 15 Aqoonahan oo ee
sannadkan ku guulaystay. Sidoo kale, Sacda Mire ayaa noqonaysa Qofkii u
horreeyey ee Soomaali ah ee ku Guulaysta Abaalmarintan.
Aqoonyahan Sacda Mire,
ayaa indhaha caalamka ku soo jeedisay Goobo Taariikhi ah oo laga helay
Somaliland, gaar ahaan Aataarta Qadiimiga ah ee Laasgeel oo masaafo 47km ah
dhinaca Woqooyi-Bari kaga beegan Hargeysa.
Khubaro caalami ah Oo
ku takhasusay Cilmiga Aataarta Qadiimiga ah, ayaa tiraba dhowr jeer booqasho ku
tagay deegaanka Laasgeel oo laga helay dhagaxaan ay sawirro ku xardhan yihiin,
kuwaas oo noqday astaan ay Somaliland caan ku tahay.
Sacda Mire ayaa noqonaysa
Gabadhii labaad ee reer Somaliland ah ee Muddo bil gudaheed ah ku guulaysata
abaal-marin Caalami ah oo lagu maamuusay.
Hore waxa sidan oo kale
Abaal-marinta Caalamiga ah ee Templeton Prize ugu guulaysatay Dr’s Edna Aadan
Ismaaciil.