Xaalada Cisbitaalada Somaliland Oo Laga Dayriyay Iyo Fariin Yeedhmo Ah Oo Loodiray Wasiirka Caafimaadka

0
Saturday June 03, 2023 - 11:51:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalada Cisbitaalada Somaliland Oo Laga Dayriyay Iyo Fariin Yeedhmo Ah Oo Loodiray Wasiirka Caafimaadka

    "Geesta kale xildhibaanadu waxa ay walaac ka muujiyeen qaliinada aan loo meel dayin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Geesta kale xildhibaanadu waxa ay walaac ka muujiyeen qaliinada aan loo meel dayin"

 


 


Hargaysa (HWN) Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa dood adag ka yeeshay xaalada guud ee caafimaaadka dalka, waxaanay sheegeen in adeegbixinta caafimaad ee dhakhaariirta dalku liidato.

 

Waxa ay xuseen in adeegbixinta caafimaad ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa aanay wanaagsanayn, sidoo kale waxa ay tilmaameen in daawooyinka lagu iibiyo Farmasiiyadu aanay ahayn kuwa ku habboon, waxa ay intaas ku dareen in aanay jirin talaagadihii qaboojinlahaa doowooyinka dadka la siinayo, waxaanay soojeediyeen in wasiirka caafimaadka looyeedho.

 

Geesta kale xildhibaanadu waxa ay walaac ka muujiyeen qaliinada aan loo meel dayin ee lagu sameeyay bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaanay hoosta ka xariiqeen in goobaha caafimaad loo furtay in laga ganacsado kaliya.

 

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa xoghayaha guud ee golahaasi ku wargeliyay in uu qoro waraaq loogu yeedho wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi.


Loading...
Loading...