Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya caleema-saarka Erdogan

0
Saturday June 03, 2023 - 08:44:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya caleema-saarka Erdogan

    "Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeye xiriir soojireen"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeye xiriir soojireen"



Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Ankara ee xarunta waddanka Turkey, halkaas oo uu kaga qeybgalayo caleemo-saarka madaxweynaha la doortay ee Turkey Recep Erdogan.

 

"Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeye xiriir soojireen ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyada horumarka, ammaanka iyo dhaqaalaha" ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya.

 

Xasan Sheekh ayaa ka mid ah madaxda tobannaan dal oo lagu casuumay ka qeybgalka caleema-saarka Erdogan oo toddobaadkii hore ku guuleystay doorasho ku celis aheyd.


Loading...
Loading...