Dhimashada Shil Tareen Oo Ka Dhacay Hindiya Oo Gaadhay 233 Iyo 900 Oo Dhaawac Ah
Ugu yaraan 233 qof ayaa
ku dhintay 900 oo kalena way ku dhaawacmeen kadib markii laba tareen oo rakaab
ah ay isku dhaceen gobolka Odisha ee dalka Hindiya, sida uu sheegay sarkaal ka
tirsan dawladda Sabtidii, taasoo ka dhigaysa shilkan tareen kii ugu dhimashada
badnaa muddo toban sano ka badan.
Tirada dadka ku dhintay
shilkii Jimcihii ayaa la filayaa inay sii korodho, sida uu Twitterka ku sheegay
xoghayaha guud ee gobolka Pradeep Jena.
Wuxuu intaas ku daray
in goobta shilku ka dhacay lasoo gaarsiiyey in ka badan 200 oo ambalaas ah oo
ka tirsan degmada Balasoore ee Odisha, waxaana la diyaariyey 100 kale oo
dhakhaatiir ah, kuwaas oo kor u dhaafaya 80 ka mid ah kuwa hore u joogay.
Subaxnimadii hore ee
Sabtida, muuqaalka ay soo daabacday wakaaladda wararka ee Reuters ayaa
muujinayay saraakiil booliis ah oo meydad ku daboolaya maryo cadcad.
Boqollaal dhallinyaro
ah ayaa safaf dhaadheer u galay bannaanka isbitaalka dowladda ee Odisha Soro si
ay ugu deeqaan dhiig.
VOA