Madaxwaynaha Jubaland Oo Kulan La Qaatay Garaadada SSC.

0
Friday June 02, 2023 - 18:53:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Jubaland Oo Kulan La Qaatay Garaadada SSC.

    "Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda Dagaalka Sool"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda Dagaalka Sool"

 


 


Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan Qado Sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Garaadada SSC.

 

Madaxweynaha  ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka tagaan Gobolka Sool, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida bulshada deegaanka.

 

Garaadada Dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka ka socda Gobolka.

 

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku weheliyay Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Wasiiro katirsan Xukuumada iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.


Loading...
Loading...