Tirada Dadka Sacuudi Carabiya Oo Korortay 34 Boqolkiiba

0
Friday June 02, 2023 - 18:30:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Dadka Sacuudi Carabiya Oo Korortay 34 Boqolkiiba

    "Warbixinta ayaa dadweynaha dalkan hodonka ku ah saliidda ku sheegtay 32.2 milyan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Warbixinta ayaa dadweynaha dalkan hodonka ku ah saliidda ku sheegtay 32.2 milyan"

 


 

Shacabka Sacuudi Carabiya ayaa kordhay saddex meelood meel tan iyo 2010, ayada oo aqlabiyadda muwaadiniinta boqortooyada ay da’doodu ka hooseyso 30 jir, waxaa sidaas lagu sheegay tiro koob ay daabacday dowladda.

 

Tiro-koobka Sacuudiga ee 2022 waa "sahanka dadweyne ee ugu dhammaystiran uguna saxsan ee la sameeyey taariikhda boqortooyada," ayaa lagu yiri warbixinta Maamulka Guud ee Tiro-koobka.

 

Warbixinta ayaa dadweynaha dalkan hodonka ku ah saliidda ku sheegtay 32.2 milyan.

 

Tiradaas, ayaa 58.4 boqolkiiba ah muwadaaniin Sacuudiyaan ah, halka inta kale badankood ay yihiin dad kasoo jeeda Koonfurta Asia ama meelo kale oo ka mid ah Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

 

Wadarta guud ee dadka degan Sacuudiga ayaa kor u kacday 34.2 boqolkiiba tan iyo 2010 – koror ah 8.2 milyan oo qof, kuwaas oo 4.8 milyan ka mid ah ay yihiin muwaadiniin Sucuudiyaan ah.

 

Dadka Sacuudiyaanka ah, ayaa 63 boqolkiiba ay da’doodu ka hooseysaa 30 jir.

 

Dadka aan Sacuudiyaanka aheyn ayaa gaaraya 13.4 milyan, kuwaasi oo badankood u dhashay Bangladesh, waxaana ku xiga dadka kasoo jeeda India, Pakistan, Yemen iyo Masar.

 

Tiro-koobka qaranka, oo ah tii shanaad ee taariikhda boqortooyada, ayaa markii hore loo qorsheeyay in la qabto sanadka 2020, laakiin waxaa dib loogu dhigay faafitaankii cudurka COVID-19 awgeed.

 

Sacuudi Carabiya ayaa sameysay tiro-koobkii ugu horreeyay ee rasmi ah 1974-kii.

 

Sida ku cad warbixintii ugu dambeeyay, tirada dadka aan Sacuudiga ahayn ee ku nool boqortooyada ayaa billaabatay inay hoos u dhacdo 2017-kii, kadib markii la hirgeliyey istaraatiijiyad heer qaran ah oo kor loogu qaadayo shaqaaleynta dadka Sacuudiyaanka ah.

 

Sidoo kale, shaqaale badan oo ajnabi ah ayaa qoysaskooda dib ugu celiyay dalkooda kadib go'aankii lagu soo rogay lacag laga qaado ehellada qurba-joogta ku nool boqortooyada.

 

VOA


Loading...
Loading...