Xisbiga Waddani Oo Cambaareeyay Xadhiga Xukuumada Muuse Kula Kacdo Saxafiyiinta

0
Friday June 02, 2023 - 18:00:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Cambaareeyay Xadhiga Xukuumada Muuse Kula Kacdo Saxafiyiinta

    "Xadhiga saxafiyintani looma marin sifo sharciga waafaqsan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xadhiga saxafiyintani looma marin sifo sharciga waafaqsan"



Hargaysa (HWN) Xoghayha Caddalada Xisbiga WADDANI Yoonis Ahmed Yoonis ayaa cambaareeyay xadhiga xukuumada Muuse Biixi kula kacdo saxafiyiinta.

 

Xukuumada Muuse Biixi ayaa noqonaysa xukuumadii ugu xadhiga badnayd warbaahinta xukuumadihii soo maray Somaliland.

 

Xoghaye Yoonis ayaa qoraal uu ku cambaaraynayo xadhiga saxafiyiinta oo uu baahiyay uqoray sidan:-

 

Xisbiga WADDANI waxa uu cambaraynayaa xadhigga lagula kacay weriyayaal iyo dadka baraha bulshada Ra’yigooda ku cabbiray

 

Taariikhdu markay ahayd 28/05/2023, magaalada Ceerigaabo waxa lagu xidhay wariye Warsame- Kaafi Cabdirashid Aadan, oo ka howl gala Telefishanka MMTV.

Sidoo kale 14/05/2023, waxa  Boorama lagu xidhay weriye Cali Ismaacil Aarre (Cali Waaheen) Oo ah saxafi madax bannaan.

 

Xadhiga saxafiyintani looma marin sifo sharciga waafaqsan waxaanu xadhiggoodu lid ku yahay dastuurka Somaliland oo dammaanad qaaday xorriyadda hawlahooda shaqo.

 

Dastuurka Somalilaland, qodobka 32 (3) waxa uu sheegayaa" saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xoriyaadka asaasigaa ee ra'yi dhiibashada, waxaanay lee yihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo; howshoodana xeer baa nidaaminaya"

 

Sidaa awgeed, Xisbiga WADDANI waxa uu walaac xooggan ka qabaa xadhigga sii kordhaya ee had iyo goor xukuumaddu kula kacdo warbaahinta madaxa bannaan iyo dadka kale ee aragtidooda cabbira oo aan dariiq sharci loo marin.

Dhanka kale waxa Magaalada Berbera ku xidhan Cabdicasiis jaamac Cilmi oo baraha bulshada ku baahiyey aragtidiisa dhibaatada laydh la’aanta ka jirta magaalada Berbera.

 

Xisbiga WADDANI waxa uu xukumadda ugu baaqaya in dhammaan wariyeyaasha iyo muwaadiniinta sida sharci darrada ah loo xidhay xorriyaddooda si dhakhso ah oo bilaa shuruud ah loogu celiyo.

 

YONIS AHMED YONIS

Xoghayha Caddalada Xisbiga WADDANI


Loading...
Loading...