Maraykanka Oo Ka Hadlay Sababta Uu U Baajiyay Tababarka Ciidan Ee Berbera
Dowladda Mareykanka
ayaa markii ugu horreysay ka hadashay sababta loo baajiyay tababar ciidan oo la
qorsheeyay in lagu qabto magaalo xeebeedka Berbera ee Somaliland.
Tababarka ayaa qorshuhu
ahaa in uu qabsoomo horraantii sanadkan iyada oo ay halkaas ku qaadan lahaayeen
tababarka ciidamada Mareykanka ee howlgalka Africa. Waxa uu qeyb ka noqon lahaa
taxane tababar oo balaaran oo ay ciidamada Mareykanku ku qaadan lahaayeen
barriga Afrika, kaas oo ka dhici lahaa islamarkaasna ay qeyb ka noqon lahaayeen
ciidamada dalalka Bostwana, Rwanda, Uganda, Kenya iyo Djibouti.
Saraakiil ka socota
wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ayaa booqday bishii Janaayo ee sanadkan magaalada
Berbera halkaas oo loo qorsheeyay in ciidamada Mareykanka ay tababarka ku
qaataan. Waxay booqdeen goobo loo asteeyay tababarka, iyaga oo sidoo kale la
kulmay madaxda Somaliland. Laakiin tababarka oo la filayay in uu dhaco
dhamaadka bishii February ayaa qabsoomin iyada oo saraakiisha wasaaradda
arrimaha dibeda ee Mareykanka ay markii ugu horreysay BBC u faahfaahiyeen
sababaha uu u baaqday tababarkaas.
Danjiraha shaqada ka
tagaya ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa la xiriiriyay sababaha
loo baajiyay tababarkaas colaada ka taagan Laascaanood ee u dhexeysa ciidamada
Somaliland iyo dadka diidan inay maamulka Hargeysa. Colaadaas ayaa cirka isku
shareertay horrantii sanadkan kadib markii odeyaasha dhaqanka ee deegaanka ay
shaaciyeen in aysan qeyb ka noqonaynin maamulka Somaliland, iyaga oo dalbaday
in ciidamada maamulkaas uu isaga baxo deegaankooda. Boqolaal dad ah ayaa ku
geeriyooday dagaalka labada dhinac, iyada oo ay kumanaan kale na guryahooda ka
qaxeen. Xabadjoojin dhowr jeer lagu dhawaaqay ayaa sidoo kale fashilantay iyada
oo dedaalo dhex dhexaadin ah oo la waday na aysan weli waxba kasoo bixin.
Danjiraha dowladda
Mareykanka Larry Andre waxa uu sheegay saraakiil ka socota taliska ciidamada
Mareykanka ee howlgalka Afrika ee fadhigoodu yahay Jabuuti ay booqdeen dekeda
Berbera iyada oo qiimaynaya amniga aagga iyo awoodda shaqo ee dekeda Berbera.
Waxa uu Danjiraha Mareykanku sheegay in qiimeynta noocaas ah ay saraakiisha
Mareykanku ku sameeyaan dekedaha dunida oo dhan, si gaar ah kuwa ku yaal
goobaha marinka u noqon kara iyo goobaha ay tababarada ku sameeyaan ciidamada
Mareykanka. "Waxaan dooneynay in aan qiimeyno awoodaha iyo shaqada dekeda
Berbera haddii ay dhacdo in maraakiibta ciidamada Mareykanka ay u baahdaan
shidaal ama adeeg kale,” ayuu yiri danjiraha Mareykanka Larry Andre.
Waxa uu sidoo kale
danjiraha Mareykanka xaqiijiyay qorsheha la doonayay in uu tababar lagu qabto
xeebaha Berbera. Waxa uu sheegay in tababarkaas uu qeyb ka ahaa tababar ciidan
oo balaaran oo ay ciidamada Mareykanka ku sameyn lahaayeen bariga Afrika.
Tababarkaas ciidamada Mareykanka ee howlgalka Afrika waxaa ka qeyb qaadan lahaa
in ka badan 800 boqol oo askar, oo ay ka mid yihiin kuwa ka socda lix dal oo Afrika
ku yaal. Waxaa dalalkaas ka mid noqon lahaa Jabuuri, Ugada, Kenya iyo xitaa
Somalia. Waxa uu safiirka Mareykanka sheegay in ciidamada amniga ee Soomaaliay
iyo kuwa Somaliland ba ay si wadajir ah uga qeybqaadan lahaayeen tababarkaas.
Si kastaba, safiirka Mareykanka waxa uu sheegay inay u baajiyeen tababarka
ciidan ee lagu qaban lahaa Berbera sababo la xiriira dagaalka Laascaanood ee u
dhexeeya ciidamada dowladda Somaliland iyo kuwa beesha deegaanka ee hubeysan.
Waxa uu intaas ku daray inay garowsadeen in aysan habbooneyn in tababar noocaas
ah ay ku qabtaan Berbera inta ay taagan tahay colaada Laascaanood. "Sababtaas
ayaan u baajinayay oo aan dib ugu dhignay,” ayuu yiri safiirka dowladda
Mareykanka u fadhiya Muqdisho Larry Andre.