"Cirro & Faysal Cali Waraabe Garanmaysaan".

0
Friday June 02, 2023 - 09:42:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cirro & Faysal Cali Waraabe Garanmaysaan".

    W/Q Xildhibaan Axmed Guruuje.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Xildhibaan Axmed Guruuje.


 


 

Dadka aan waxba ka aqoonin taariikhda cusub ee somaliland ayuunbaa iska yidhaahda cirro iyo faysal cali waraabe waa rag jiliicsan iyagoo aan ogayn waxay qabteen.

 

1997 markii dagaalkii sokeeye dhamaadey  siyaasiyiintii garxajis waxay noqdeen qayb xamar qabatey oo wadanka iskaga tagty iyo qayb ina cigaal isu dhiibtey oo iska shaqo tagtey, Iyadoo ay sidaas tahay ayaa faysal cali waraabe iyo cirro xisbigga ucid furteen oo saaxada yimaadeen.

 

Doorashadii deegaanka 2002 habar yoonis waxaa jiitey udub nimadii cigaal kaga dhintey oo sidaas ayuu gaboose u dhacey laakiin ciidagale iyo cirro ayaa dadaaley oo ucid soo saarey, saaxada siyaasadana garxajis mar kale keeney.

 

Doorashadii baarlamaanka 2005 ucid oo ay faysal iyo cirro hogaaminayaan waxay keeneen gudoomiyihii baarlamaanka, doorashadii baarlamaanka ee 2021 waxay dhiseen shirgudoonkii baarlamaanka, markaana waxay Aduunyadda tuseen miisaanka Garxajis leeyahey siyaasad ahaan.

 

Ugu danbayn jiilka  cusub ee siyaasadda garxajis waxaa soo  saarey intiisa ugu badan  cirro iyo faysal waayo lodkii snm  wuu siibtey  , lodkii  soomaaliya waagii  horre wax ka ahaan jireyna  wuu siibtey.

 

Dhinaca kale labadan oday waxay muujiyeen  adkaysi  aan siyaasad ahaan horre aan garxajiska  loogu aqoonin waayo garxajiskii  horre marka siyaasadda lagaga  adkaado wuu  iska  tegi jirey laakiin labadan  oday  rubuc qarni ayay  soo  mitideen oo dhaqaaqi waayeen.

 

Sidaas markay tahey raga iska yidhaahda cirro iyo faysal waa rag jiliicsan waa rag aan cirro iyo faysal aqoonin siyaasadda cusub ee somaliland aan waxba kala socinin"

 

W/Q Xildhibaan Axmed Guruuje.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...