Dowladda Itoobiya Oo Lagu Eedeeyay Tacadiyo Weli Ka Taagan Gobolka Tigray

0
Friday June 02, 2023 - 08:50:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya Oo Lagu Eedeeyay Tacadiyo Weli Ka Taagan Gobolka Tigray

    "Waxa ay ku eedaysay dowladda federaalka in ay ku yartahay danaynta hubinta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa ay ku eedaysay dowladda federaalka in ay ku yartahay danaynta hubinta"


 

Hay'adda Human Rights Watch ee u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in qeybo kamid ah gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ay weli ka taagan yihiin tacaddiyo iyo barakicin lagu hayo qowmiyadda Tigrayga.

 

Dagaal ku dhawaad laba sano ka socday gobolkaas oo dhaliyay khasaaro baahsan ayaa waxaa heshiis laga gaaray dhammaadkii sanadkii tegay, waxaana hadda gobolka ka taliya maamul xiriir la leh xukuumadda Addis Ababa.

 

Maamulka deegaanka iyo ciidamada Axmaarada ee ku sugan deegaanada lagu muransan yahay ee Galbeedka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa sii wada in ay si qasab ah uga saaraan dadka Tigrayga kadib markii heshiis nabadeed uu soo afjaray dagaal ay dowladda federaalka iyo xulafadeeda kula dagaalameen ciidamada Tigrayga muddo labo sano ah, sida ay sheegtay hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha.

 

Warbixin ay soo saartay Khamiistii ayay Human Rights Watch ku sheegtay in in kabadan kun qof oo Tigray ah si aan sharciga waafaqsanayn loo xiray iyadoo lagu salaynayo aqoonsigooda ka hor inta aan si qasab ah dalka looga saarin taasoo qayb ka ah olole isir sifeyn ah.

 

Waxa ay ku eedaysay dowladda federaalka in ay ku yartahay danaynta hubinta isla xisaabtanka iyo in maxkamad la soo taago dambiilayaasha ka masuulka ah.

 

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Amxaarada ayaan weli ka hadlin eedeyntan ugu dambeysay.

 

Galbeedka Tigrayga oo lagu muransan yahay ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada Axmaarada oo iyaguna ku andacoonaya in dhulkaas taariikh ahaan ay leeyihiin dadkooda.

 

Kumanaan ka tirsan qoomiyada Tigreega ee ka soo qaxay galbeedka Tigray bilawgii dagaalka ayaa weli ku sugan qaybo kale oo ka tirsan Tigrayga iyagoo gabaad ka dhiganaya dhowr xero oo barakac ah.

 

BBC


Loading...
Loading...