Xasan Sheekh Oo Soo Dhaweeyay Aqbalaadda Warbixinta Soomaaliya Ee Ka Mid Noqoshada EAC
Madaxweynaha dowladda
Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey aqbaaladda
codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneysay ka mid noqoshada
Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay
madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Madaxda EAC ayaa
aqbalay warbixinta codsiga Soomaaliya.
"Madaxweynaha ayaa
hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ansixinta codsigooda ku
aaddanaa ku biiridda EAC ayaa ku tilmaamay arrinkan tallaabo wanaagsan oo ka
tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo mira-dhalka qorsheyaasha
qaran ee ku aaddan soocelinta doorka dalkeennu uu ku lahaa gobolka iyo guud
ahaan qaaradda Afrika." ayaa lagu yiri bayaanka Villa Soomaaliya, kaas oo
i ntaas raaciyay
"Madaxweynaha
Jamhuuriyadda oo dul istaagay faa’iidooyinka dhaqan-dhaqaale, amni iyo
siyaasadeed ee dalkeennu uu ka dhaxlayo ka mid noqoshada Dallada Bulshada
Bariga Afrika (EAC) ayaa sheegay in haataan ay dowladdu bilowday wada-xaajoodyada
danwadaagga labada dhinac iyo qeybaha la iska kaashanayo, si uu isugu
dheelli-tirnaado wax-wadaqabsigu."
Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika
iyo guddiyada farsamo ee ka shaqeyna ka mid noqosahda Soomaaliya ee dalladan,
fursadda ay u siiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay la midoobaan
walaalahooda dalalka ku bahoobay dalladan.