Xukuumada Somaliland Oo xabsiga dhigtay Hablo reer Burco ah iyo xubno ka mid ah ehelka maayarka Hargeysa oo jeelka u taxaabay macalin ay dhul ku haystaan.
Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga dhigtay reer Burco ah iyo xubno ka mid ah ehelka maayarka Hargeysa oo jeelka u taxaabay macalin ay dhul ku haystaan.
Xadhiga muwaadiniinta lagu beegsanayo oo ayaa wali ka socda magaalooyinka Burco iyo Hargeysa waxaana xabsiga la dhigay hablo dalbanayey xoriyada suxufiyad Bushaaro Baande iyo macalin mudo dheer ka shaqaynayey waxbarashada oo dhul ay ku haystaan qaar ka mid ah ehelada maayar Mooge.
Wararku waxay sheegeen in xabsiga Burco la dhigay Luul Guray, Nimco Cabdiraxmaan, Ayaan Diiriye iyo hablo kale oo ka hadlay xadhiga ay xukuumadu la beegsatay suxufiyad Bushaaro Baande, dalab ay warbaahinta mariyeen oo ay ku codsadeen in suxufiyadaas loo soo celiyo xoriyadeeda ayaana sababay in iyagana ay sifo sharci daro ah jeelka ugu taxaabaan ciidanka boolisku.
Sidoo kale macalin Maxamed Aadan Gabyaaye ayaa wali xabsiga ku jira ka dib markii ay xadhig la beegsadeen xubno ka mid ah qoyska maayar Mooge oo dhul ku haysta, waxaanay wararku sheegeen in ciidankii qabtay ay dhibaato u gaysteen iyaga oo hanjabaad iyo haddidaadna kula kacay qoyskiisa.
Ilaa hada xukuumada Somaliland wax war ah oo lagu qanco kamay soo saarin sababtay in xabsiga Burco loo taxaabo hablaha muwaadiniinta ah ee dalbanayey in suxufiyad Bushaaro xoriyadeeda loo soo celiyo halka ay dawlada hoose ee Hargeysa-na ilaa hada afka ka xidhatay xadhiga ay qoyska maayarku la beegsadeen macalin Maxamed Gabyaaye.