Doorasho Wakhtigeedii Laga Soo Hor Mariyey!

0
Thursday June 01, 2023 - 14:51:40 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorasho Wakhtigeedii Laga Soo Hor Mariyey!

    Habka fudud ee dadka sidaa u tirada badani ay codkooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habka fudud ee dadka sidaa u tirada badani ay codkooda



Doorashooyinkii dalka Turkiga ee xalay soo gebagaboobay waxa dunida oo dhan iyo si gaar ah innagaba ugu sugan casharro hannaanka dimuqraadiyadda, doorashooyinka, dawladnimada iyo ilbaxnimada intaba isugu jira, waana sababta ay indhaha caalamku ugu soo jeedeen, looguna tilmaamay doorashooyinka sannadkan ugu muhimsan dunida oo idil!



 

Hannaanka doorashooyinkani u dhaceen oo ahaa kuwo isasaaran oo ka kooban Doorasho Madaxtooyo & Baarlamaan ayaa ahaa mid soojiidasho leh, waxana ay gaadhay qiyaasta tirada dadka codeeyey %88 dadkii kaadhka haystay, waana celcelis aad u sarreeya oo dalalka ugu dimuqraadisan ee guunka ah ay adag tahay in ka-qayb-qaadashada doorashadu ay heerkaa taabato.


Habka fudud ee dadka sidaa u tirada badani ay codkooda u dhiibteen iyo sida saacado aad u kooban ay u soo baxeen natiijooyinku waa arrin ku timid shaqo badan oo hannaankan doorasho laga qabtay iyo horumarin lagu sameeyey.


 

Ma aha keliya Turkiga, dalal badan oo caalamka ah, kuwo inoo dhow oo ood-wadaag aynnu nahay iyo kuwo inaga durugsan ayaynnu wax badan ka baran karnaa oo horumarka iyo dhismaha Dawladnimada iyo haayadaheeda ah, waase haddii ay inaga go’naato oo aynnu horusocodkeeda la nimaadno, sidiisana aadamuhu waa mid hore u socda ama waa mid gadaal u socda, oo dariiq kale ayaanba u furnayn.


 

Waxyaabaha sida gaarka ah aynnu carrabka ugu dhufan karno waxaa ka mid ah in doorashadani ka soo hormartay xilligii loogu talogalay, waliba iyadoo markaas ay taagan tahay saamaynta musiibadii dhul gariir ee dadka 50ka kun kor u dhaafaya iyo adduunka kaleba lagu waayay!


 

Marka aynnu teenna u nimaadno, ina ragna xaalkii sidaa yahay waxa aad ogaanaysaa in waxa la isku dhaafay uu dedaalka yahay, dawladnimaduna aanay wax afka laga sheegto ama waraaqo lagu qorto keliya aanay ahayn ee ay tacab iyo shaqo baaxad weyn u baaha tahay.


Iskadaa in aynnu doorasho soo hor marinno e, waxa aynno awoodi la’nahay in aynnu wakhtigeedu ku qabanno, ceebna ma aha oo daalaa-dhaco waa marxalad la soo mari karo, balse ceebtu waa in marxaladdii noqon weydo wax la dhaafo oo laga gudbo, horena looga socdo!


 

Waan hambalyaynayaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxa aanan u rejaynayaa inuu halkaa ka sii wadi doono geeddi-socodka horumar ee dalka Turkiga iyo sidoo kale waxqabad intaa ka sii badan oo shacabkiisu u aayo.


 

W/Q Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan

Loading...
Loading...