Lacag Malaayiin Dollar Ah Oo Ka Soo Xarooda Maamulka Hawada Somaliland Oo Ku Dhaca Baanka Dhexe Ee Soomaaliya

0
Thursday June 01, 2023 - 14:18:33 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lacag Malaayiin Dollar Ah Oo Ka Soo Xarooda Maamulka Hawada Somaliland Oo Ku Dhaca Baanka Dhexe Ee Soomaaliya

    Diyaaraha hawada maraya waxa ay bixiyaan lacag kala duwan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaraha hawada maraya waxa ay bixiyaan lacag kala duwan




Baanka dhexe ee Somalia waxa sannadkii ku dhaca lacag ka soo xaroota oo laga qaado diyaaraddaha mara Hawada Somalia oo ay ku jirto ta Somaliland.


Sannadkii lacag lagu qiyaasay 22 Milyan ayaa ka soo gasha Somalia Diyaaraddaha Hawada mara, iyada oo qorshuhu yahay in sannadka dambe lacagtaas gaadho ilaa 30 Milyan oo dollarka Mareykanka ah.



Diyaaraha hawada maraya waxa ay bixiyaan lacag kala duwan, taas oo ku xidhan nooca iyo tanka Diyaaraddaha Hawada mushaaxaysa, tusaale ahaan diyaaradaha Boeng 777 iyo Airbus 350 waxa laga qaadaa lacag dhan $395 markiiba.


Hawada Somalia iyo Somaliland, ayaa waxa hore gacanta ugu hayey oo u maamulayey Qaramada Midoobay, oo iyadu lacagta u qaadi jirtay, inta badan nidaamka loo maamulo uu ahaa qaab musuq maasuq ah.


Qorshe qayb ka ahaa wada hadalladii hore ee Somaliland iyo Somalia ayaa ahaa in Hawada Somalia iyo Somaliland ee Qaramada Midoobay maamuli jiray in dib loogu soo celiyo Soomaalida, isla markaana iyagu maamulaan dhaqaalaheeda iyo maamul ahaanba, waxaanu qorshahani fashilmay oo Somalia si iskeed ah ula wareegtay sanadihii 2018-2019, wakhtigii uu Madaxweynaha ahaa Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.


Somaliland ayaa iyadu ku guuldaraystay in ay qorshahaasi ka hor tagno, madaama oo markii hore fikirka ah in laga soo wareejiyo Hawada Somalia Qaramada Midoobay ay heshiis ku ahaayeen Somalia, kulamo kala duwan oo ka dhacay Addis ababa iyo Nariobi arrintan la iskula meel dhigay, balse aan heshiis rasmi ah laga gaadhin hannaanka iyo habka maamulka.


Si kastaba ha ahaatee, dhaqaalaha badan ee ka soo xarooda Maamulka Hawada Dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomalida, ee burburay ee noqday Somalia iyo Somaliland, ayaan la ogeyn in ay hawada qaadato Somalia iyo in Somaliland qaybteeda la siiyo ama Somalia u hayso.

Loading...
Loading...