Maxaa keenay in cuntada dukaamada Ingiriiska gambaleel lagu xiro?

0
Thursday June 01, 2023 - 09:55:04 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa keenay in cuntada dukaamada Ingiriiska gambaleel lagu xiro?

    ishii dhamaatay ayey ahayd markii ay Saddex

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ishii dhamaatay ayey ahayd markii ay Saddex



Iyadoo tirada suuqyada gambaleelka ku xiraya alaabta sida hilibka iyo farmaajada ay ku sii badanayaan dalka Ingiriiska, Dukaamada waaweyn qaarkood ayaa khanadaha saara kartoomo qaxwe oo faaruq ah kuwaas oo lagu qoray "Haddii aad rabto inaad iibsato, ogeysii shaqaalaha dukaanka".


 

Dhanka kale suuqyada qaar waxay yareeyaan tirada alaabta ee marinka taal si looga hortago xatooyada alaabta.



 

Sicir bararka cuntada ee UK ayaa gaaray 19.1% bishii Abriil, waana kii ugu sarreeyay 45 sano ee la soo dhaafay.


 

Sida laga soo xigtay xogta ku waaxda booliska, oo ay falanqeysay BBC-du, waxaa jiray 33 kun oo shil oo ah badeecooyin laga xaday suuqyada bishii Maarso.


 

Tani waxay u dhigantaa kor u kac gaaraya 30.9 boqolkiiba marka loo eego sannadkii hore.


 

Silsiladda suuqa ee Co-op, oo xogta siisay BBC-da, ayaa sheegtay in aanay arrintan ka samayn dukaamadooda ku yaal dalka oo dhan, oo ay tahay in ay dukaamada qaarkood ka dalbadaan.


 

Sawir kale oo ku wareegaya baraha bulshada ayaa laga arkayay kaliya saddex wasladood oo hilb ah oo dhex yaal waaxda dukaanka ee la dhigo cunnada dukaanka M&S.


 

Wakiil ka tirsan M&S ayaa sidoo kale sheegay in aysan xeeladdan ku dhaqmin dalka oo dhan, balse dukaamada ay soo wajahaan kiisaska xatooyada badan oo kaliya loo fasaxay in ay iskood u qaadaan tallaabooyinkan.


 

Dukaamada Aldi waxaa lagu arkay in gambaleelka ay ku xiran yihiin farmaajada iyo hilibka labadaba.


 

Isagoo la hadlayay BBC-da, wakiil ka tirsan dukaanka Aldi ayaa sheegay in ay tahay talaabo aysan dukaamada oo dhan ku dhaqmin.


 

Dhanka kale dukaamada Sainsburry ayaa macaamiishooda ka dalbanaya in ay la yimaadaan lambar sireedka badeecada ee ku yaal resiitka marka ay sii baxayaan halkaas oo loo ogalaanayo macmiilku in uu la boxo oo kaliya alaabta ka gudubta bartaas.


 

Waxaa si xawli ah kor ugu kacay qiimaha badeecado badan sida caanaha,sonkorta iyo baastada sanadkii u dambeeyay gudaha Ingiriiska.


 

Tom Ironside oo ka tirsan dalada tafaariiqda ee Ingiriiska ayaa yiri: "Qiimaha alaabta laga xado dukaamada sanadihii 2021 iyo 2022 waa ku dhawaad £1 bilyan oo gini. Lacagtan waxa loo isticmaali karay in lagu dhimo qiimaha,” ayuu yiri.


 

"Si loola dagaallamo xatooyada, dukaamada waa inay ku bixiyaan boqolaal milyan oo ginni nidaamyada kamirooyinka, gambaleelka iyo dadka ka shaqeeya aagga oo la badiyo."


 

Sicir bararka iyo dhaqaalaha adduunka oo sii xumaanaya ayaa loo saarinayaa xatooyada sii badanaysa iyada oo dadka iibiya alaabta tafaariiqda ah ay lasoo baxayaan xeelado looga hor tago xatooyada sida in la yareeyo tirada alaabta ee la dhigayo miisaska dukaanka, gambaleelka, kaamirooyin lagu xirayo meelo badan iyo alaabta la kala furi karo oo hal qayb la saaro miiska beeca halka qabta kale la siinayo qofka marka uu iibsado.


 

Bishii dhamaatay ayey ahayd markii ay Saddex qof jabsadeen dukaan ku yaal badhtamaha magaalada Huancayo ee dalka Peru waxayna la soo baxeen in ka badan 200 oo ah kabaha fudud ee nooca loo yaqaan ‘Tarniers’ - laakiin dhamaantood waxay ahaayeen kuwa lugta midig ah.


 

Milkiilaha dukaanka ayaa ku qiyaasay inay ka dheceen kabo qiimahoodu ka badan yahay $13,000 oo dolar - in kasta oo tuugada laga yaabo inay ku dhibtoonayaan iibinta kabahan hadana khasaare ayey gaarsiiyeen dukaanlaha.


 

Ganacsatada og in ay halis ugu jiraan in laga xado kabaha cusub ee ay iibinayaan, ayaa marar badan adeegsada xeeladda ah in ay hal lug kabahood ku guraan kartoonkiiba iyaga oo lugta kalena ku guraya kartoon kale, kadibna kala fogeynaya ama kala xaseynaya, waxaadna mooddaa in tuugadani dabinkaas ku dhacday.

bbc/somali

Loading...
Loading...