Cagtii Joogsan Weydaa Mar Bey Ceeb La Kulantaa (Abdi-Shotaly).

0
Thursday June 01, 2023 - 09:51:29 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cagtii Joogsan Weydaa Mar Bey Ceeb La Kulantaa (Abdi-Shotaly).

    * N.B Doqon Tol Ha Moodin, Dil-Kaaga Bay Ku Maqan Tahaye".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Doqon Tol Ha Moodin, Dil-Kaaga Bay Ku Maqan Tahaye".


Waxan maqli jirey "Ka dar oo dib dhal" Aduun-kan aynu dul saara-nahay, waa xadhig lama sitaan, maxay nin wax is mooday halaysay, maalin-ba waxad arkaysaa ama maqlaysaa, mid irbad aanad ku aamin-teen, oo intuu war-baahinta soo fadhiisto la hor imanaaaya, wax aan "Sakaaro ka cabin" Oo aad qof-kaas wax sheeg is leh, aad isaga u khajilayso, oo la yaab awgeed, aad ka naxayso wax ruuxaas weyn ka soo yeedhay, weliba uu is leeyahay wax baad ku soo jiidan kartaa, laakiin isaggii isu sii qodaayaa iil ka yar ( Waa sidda kan la yidhaaho Dr Khal-khale).



 Wixii la sheego-ba wax baa ka jira bay somalidu tidhaa-daaye, hees ay qaadi jirtey Faadumo Cabdilaah ( Waa Maandeeqe) Baa waxa ka mid ahaa ereya-deedda" Hooyadaa nin liitaw, haakah kuma tidhaaho" Oo micnaheedu yahay, weligeed kugumay diirsan, kuguma farxin,magac xumo iyo naxdin aad u soo kordhiso mooyaane. 


Waxan filayaa oo aanu shaki igaga jurin, inuu kani is dhex yaacay, oo uu isaga laf-tiisa dhakhtar xaga maskax-dda ah u baahan yahay, waxan aan odhan lahaa ma uu bed-qabo'e, ha laga joojiyo in uu cid daaweeyo, oo ha is baadho. Wax weyn baa ka si ahe. Ha yaabinase, horey Gabay ugu sheegtay Somaalidu oo ay tidhi, markay aragtay kan oo kale " Cagtii joogsan weydaa mar bay ceeb la kulantaa" Maanta bay murti-dani ku foorartaa Dr Khal-khal, oo ay madaxa ka saaran tahay. 


Bal illaahay baan idinku dhaariyee, qof-kaas ninka weyn sheeganaaya, wuxu shalay la shir yimi, ee uu is leeyahay reerka ku beer-laxawso eegga Waa tane " H.Yoonis Waxan lahaa Xusbi ay xuquuq-doodda ku doon-taan u samee iyo aniga iyo Xirsi Baa tartamayna" Bal in wax u dhiman yihiin, Garxajis laba Xusbi buu musharax ka yahee, muu mid raaco, oo ay weliba leeyihiin Xil-dhibaanadda Deegaanka, baarlamaanka iyo maayaradda ugu badane. Waa su'aale ma kaas baa miyir qaba?


 

Waxa ay maah-maahi ahayd " Adoo waafi ah ,weyd la iskama dhigo" Nin-kan isaga ah, shaw aqoon baan loo lahayne, oo garasho la'aan baa inaga haysaye, oo si xun baa loo buun-buuniyey, magac loo sameeyey, wax aanu ahayna laga dhigay, dabeed wuxu ku sifoofay murtidfii ahayd " Doqon-taad amaantaa, aday kuu hed noqo-taaye" Waana taas xaqiiq-ddii, oo kuwii waxa weyn ka dhgay, hadeer iyakii uu u adeegsa-naayo " Raggii ma adigaa ka hadhay" Waxa iyana jirtey odhaah ah " Hebel dib buu isugu sii Kaajay" akhristaw Dr khal-khal waa kaas wixii uu ahaa u dhurtay, ilayn " Waano dhalan baa ka adage" Oo qof-na siddii uu Eebbe u abuuray lagama bedeli karo, si kaste oo aad isugu daydo in aad nadaamiso, waaniso oo aad hagaaji tidhaaho, horaa loo yidhi " Doqon tol ha moodin, dil-kaaga bay ku maqan tahay". Waxa xaqiiq ah, in uu kan indhihiisu cid kale qaban, tolkaa dhabarka jebi mooyaane. Bal akhristaw fartii uu qaadaa-ba, waa wax yeel tolkaa " Subxaana-laah" Abuurta alle noocyo badanaa. Ilayn kan baa ku dhex noole.


 

Iyaba waa yaabe, inta jeer ee uu isku deyey in uu tolkii ku dhoobaysto, hadda weliba ma aha doonis-tiisa, ee ay soo adeeg-sadaan labadan askari iyo saleebaan gaal, ee la yidhi tolkaa yaanay soo bixin ee adigu is hor-taag, ciidaa camaaray ka badan, hadaan isku dayo in wax yar taab-taabto, iga qabta dhawr qodob waa kuwane:-


(A) Ilaa marya-alool, isaga oo mar kaste daba fadhiya labaadda askari iyo S/gaal, wuxu ahaa kii lagu soo direy ( Rabbi haw naxariisto'e) Abdiraxman Ahmed Ali. Ee lahaa waanu mustaafurinay, waxana ka dambeeyey saddex-dda sare ku yaal.


(B) Waa kii markii xusbi-yadda la asaasay mid furtay, ee tolkii oo Udib taageersan, loo isticmaalay, in aanu Udib soo bixin, isagoo dagaalka ugu weyn ku jirey., wuxu ku helay wasiirkii Gudaha ee maamulkii Siilaanyo ugu horeeyey, markii lagu meel gaadhay-na waa laga qaaday. Mid wax ku qaadanaaya maahee.


(C) Si aanu u soo bixin Waddani oo Cirro ku dhawaaqay, waxa uu maalintii ugu dambeysay shaaciyey " Ururkii Ummadda" la odhan jirey, isna waa dhacay,


(D) Qof caafimaad qaba maahee, sidda saaxiibkii " Raggii ma adhaa ka hadhaye" Waa uu is bedel badan yahay, oo meel loogu soo hagaago ma laha.Isaga oo yidhi waan ka hadhay siyaasadda, ayuun buu mar qudha Kuwii ku shaqaysan jirey, ku yidhaaheen xusbi furo oo halkaaggii ka miss.ilayn waa halkii I dalooshay lay damaq-ye, waa kaa shaqadiisii ku dhaqaaqay, ahayd la dagaalanka beeshiisa, maxaase uga fadh-fadh ah cid la soctaa ma jirtee.


 

* N.B Doqon Tol Ha Moodin, Dil-Kaaga Bay Ku Maqan Tahaye".


Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...