Cumar Cabdirashiid oo weerar afka ah ku qaaday Dowlad Goboleedyada

0
Thursday June 01, 2023 - 09:46:04 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 953
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Cumar Cabdirashiid oo weerar afka ah ku qaaday Dowlad Goboleedyada

    Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in muddo kororsiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in muddo kororsiga



Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Camar Cabdiashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay go’aanadii dhawaan kasoo baxay Golaha wadatashiga Qaran oo Shir u yeeshay caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay kamid ahaayeen heshiis la xiriira doorashada.


Cumar Cabdirashiid oo la hadlay Universal Somali TV ayaa sheegay in dowlad Goboleedyada saxiixay heshiiskaas aysan mataln fikirka dowlad Goboleedka, isla markaana uu yahay kuwo uu dhamaaday muddo xileedkooda.



 

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in muddo kororsiga loo sameeyay dowlad Goboleedyada sidoo kale uu yahay md sharci darro ah, ayna yihin kuwo aan shacriyad u heysan inay go’aano masiiri ah gaaraan.


Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Camar Cabdiashiid Cali Sharmaake wuxuu sheegay in doorashada qofka iyo codka ah ee lagu heshiiyay aan lagu qaban Karin mudada sanadka ah oo loogu daray dowlad Goboleedyada.


Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Camar Cabdiashiid Cali Sharmaake ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida weyn u dhaliilsan go’aanadii dhawaan kasoo baxay Golaha wadatashiga Qaran.

Loading...
Loading...