Kacaankii October iyo Cuqubadii xeerkii Qoyska

0
Thursday June 01, 2023 - 09:44:13 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kacaankii October iyo Cuqubadii xeerkii Qoyska

    Ubadkii ay dhaleen shan iyo labaatankii qof ee Isu bixiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ubadkii ay dhaleen shan iyo labaatankii qof ee Isu bixiyey



Kacaankii October iyo Cuqubadii Xeerkii Qoyska

Waa sheeko dhadhan macaan marka aad maqasho kelmedda golihii sare ee kacaanka, ee aad dhegeysato heesaha khasabka lagu qaadi jirey sida TAWRADDATAN BARAKAYSAN.

Laakiin runtu waxay ahayd koox aqoontooda diimeed aad u hooseyso tooda Maaddiga ahna dugsi dhexe budhtuur u yahay ayaa 21 October 1969 ummaddii soomaaliyeed jiho khaldan oo cilmaanyad ah afka u saarey. Kii aqoondarrada ugu aabbaha ahaa ayaa labo sano gudahood 60% saaxiibadii ka takhalusay, toban sano gudahoodna 98% ayuu u dhammeeyey.

Cuqubadii arrinkaas ka dhlatey ilaa maanta way la socotaa kooxdii afweyne ugu sacab tuntay in suuratul-Nisaa uu ku sheego jin iyo jaan, afkiisana ka yidhaahdo innagoo qarnigii 20aad joogna maaha in islaamku gabadha soomaaliyeed ku xadgudbo (Ma, aha dacaayad dib u dhegeyso khudbadihiisii waa kuwa mediyaha ku jira).

Ubadkii ay dhaleen shan iyo labaatankii qof ee Isu bixiyey GOLAHA SARE EE KACAANKA waxaa ku dhacday cuqubadii waalidkood u tacbeen iyaguna immika waxay noqdeen qoom fusuq iyo qoomu-luud isugu baxay waa arrin xaqiiq ah oo ay dad badan oo soomaaliyeed ka warhayaan.

Tusaale ahaan kasoo bilow Asia pacific oo ah Australia iyo Newzealand, Britain, France, Saudi Arabi, Kuweit, Bharain iyo waddamo yurub ah ayaa lagasoo ururiyey daraasad lagu baadhayo dhaqanka iyo akhlaakhda ubadkii ay dhaleen kuwii isu bixiyey magaca fiican ee GOLAHA SARE EE KACAANKA oo sida kale ahaa shan iyo labaatan mas oo kii ugu weynaa markii danbe uu wada cuney kuwii yaryaraa.

Arrinkaas ciddii dooneysaa wey baadhi kartaa.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...