Waa Maxay Guldaradda Militari Somaliland Kaga Dhacdey Laascaanood?
Waa nasiib darro in
ciidan loo carbiyey in uu difaaco muwadiniita gudaha ku sugan. In hadana
lagu doc-wareemo shacabkii in uu difaaco dartii loo sameeyey, iyadoo ah markii
2aad ee militariga SL uu gumaad ama xasuuq u geysto shacabkiisa.
SL waxey ka
dhalatey, dadaal halgan dhiig iyo dhiicanba ku qubtey, hanti qarniyaal la
tabcayeyna ay ku luntey, oo looba sameeyey in si buuxda loo xaq-dhawro,
xuquuqda muwaadin ee ku nool dhulka loo xeyndaabey dalka curdinka ah ee laga
yagleeyey geeska Afrika ee Somaliland.
Hadaba, waa maxay
sababta sida degdega uu milatarigii SL ugu jabey, dagaalka uu kula jiro, ciidan
jabhad iyo shicib ka kooban, oo gadoodku mideeyey, iyadoo ciidanka SL lagu
sheegi jirey, ciidanka ugu carbisan kuwa ay leeyiin maamuladda Somalidu?
Yeelkeedee, waa maxay
sababta xukuumada SL ay guddaha iyo dibadda, ay qeyla dhaanta ugu dirtey in
shicibku caawimo dhaqaale iyo mid dad-deed looga dalbadey! Iyadoo xukuumadu
sheegato in ay heysato 70 kun oo ciidan iyo miisaaniyad ka badan 150
Malyuun oo Doolar?
Dib hadii aynu u
milicsano, sanadkii 2018 kii, kolkii xafiiska la wareegey Madaxweyne Muuse,
waxa uu isha ku hayey in uu gacantiisa soo galiyo, miisaaniyada gaashaandhiga
ee markaas ahaa, ilaa 51% dhamaan qarashka xukuumada, taas uu Muuse gaadhsiiyey
ila 55% ay ka noqoto miisaaniyada qaranka.
Hagaag, Muuse waxa uu u
cugtey in wasiirtka gaashaandhiga ka dhigto wiil da` yar oo la yidhaa Ciise
Axmed Cabdalla, kana soo jeeda Badhan, oo ku nool Australia oo waligii aan arag
Hargeysa.
Bilo kooban ka dib Ciise
shaqadii waa laga eryey, kolkii uu dhameystiri waayey shaqadii loo keensadey,
hakaas oo loo dhiibey qofka ugu da` yar golaha wasiirada waa Cabdiqani Maxmuud
Caateeye, oo kasoo jeeda Zaylac. Kaasoo dhameystirey dalabaadkii Muuse Biixi.
Hadaba, maxey aheyd
dalabaadka Muuse Biixi, ee Nuux Taani isku maan dhaafeen?
Madaxweyne Muuse waxa
uu soo jeediyey in miisaaniyada milatariga uu maamulo, halka Nuux Taani-na u
qeybsanaado, bixinta mushaharka ciidanka oo kaliya. Dhamaan gunooyinka,
qarashaadka maamuuska, kabka ciidanka hadii raashin tahay, hadii agab ciidan
tahey, uu madaxweynuhu maamulo.
Wasiir Caateeye waa
oglaadey, Wasiirka Maaliyaduna waxa uu curiyey hab qarashka ciidanka wasaarad
ahaan loo mariyo golaha Wakiilada, laakiin maamulkeedu noqdo, mid ka mid ah
hantida uu Madaxweynuhu maamulo.
Tani, waxey
keentey in ay noqoto muftaaxa, burburka ciidankii, mudadda dheer tacabka
lasoo galiyey, cashuurta dadweynahana lagu wadey. Sidoo kale waxay, canaan iyo
in lala xisaabtamo ka dul qaadey Gen. Nuuh Taani,oo hore afeef kasii meel
dhigtey, kolkii ay soo baxdey in mar kaliya la waayey ciidan gaadhaya 8 kun oo
loo heystey dhab ahaa in ay u joogaan Sool!!! Oo fadeexad sidii la rabey aaney
ka faa’ideysan xisbiyada mucaaradku.
Ciidanka oo ah hay’ad
distoori ah, ahna ta ugu mudnaanta horeysa dhamaan rukumada SL. Ilaa hadana
golayaasha xeer-dejintu waxey ka warwareegaan, in ay xeerar u sameeyaan
ciidanka, iyadoo ah mid distoori ah, sidoo kale in xisaab xidh laga raadiyo iyo
in ay tahay hay’ad aan xataa la weydiisan kaalmooyin adeeg(logistics) kolka ay
masiibooyinka dabiiciga ah, sida daadka, abaarta iyado ay haboonaan laheyd in
ay gaadiid, iyo taakuleynba ay ku yaboohi karaan.
Iskaba dhaaf, waxtar
dadweynee, ciidanka SL waa mid leh, miisaaniyadaha ka badan ciidamo
waaweyn oo Africa ah, qaarkoodna la miisaaniyad ah.
Tusaale waxa
miisaaniyada ciidanka SL ay labajeer ka badantey in ka badan dalal ay ka mid
yiin: Rwanda, South Sudan, Togo, Zimbabwe, Malawi, Niger, Madagaskar, Equater
Gunea. Hadana Ciidanka SL malaha hal hospital oo lagu dabiibo bukaankiisa.
Malaha hal school oo wax loogu dhigo ciidanka ama ubadkooda. Malaha guryo ay
galaan, askar daayoo, saraakiishiisu. Malaha ciidan cirka. Malaha warshado
rasaasta soo saarta ama dayactir ku sameysa, si loo kabo agabka gaadiid ama
dagaal ee uu leeyey.
Halka dhamaan ciidan
daayoo. Liyuu Police kii Kililka 5aad ee dhawaan la baabiiyey, lahaa, adeegyada
aanu heysan ciidanka 30 jirsadey lacagta badanina ku baxdo ee SL.
Dalka Ghana iyo SL waa
isku miisaaniyad militari. Bal ila eeg farqigan:
Ciidanka Ghana waxa uu
leeyey 4 koliyadood oo ciidanka, lugta, cirka, badda ay ka mid yihiin iyo mid
kale oo dhanka sancada ah, sida dayactirka agabka ciidan, daaweynta, maamulka
iyo shaqooyinka kale.
Ciidanka Ghana waxa uu
leeyey 24 diyaaradood oo dagaal, maraakiib dagaal iyo saldig lagu sameeyo,
dayax-gacmeedada ama satellite oo isgaadhsiita loo adeegsado.
Ciidanka Ghana waxa uu
leeyey 37 hospital, kuwa caadi ah iyo kuwo taqasus ba isugu jira. Oo ay yaalaan
ku dhawaad kun sariirood.
Sua`aasha isweydiinta
mudani waxey thay: SL ciidankeedu maxey kala mid yihiin, dhigiisa Ghana?
Jawaabtu; waa maya!!!
Iska daa in wax heystaane, ciidanku waxa ku magacaaban, dhulbeereedka Wajaale,
oo ay kasoo go´do raashin ida galeydda, iyo hadhuudhku, tani waxy
ciidanka siin laheyd iyo reerahoodaba nafaqo ay caruurtoodu kaga soo doogaan,
macaluusha iyo nafaqo xumadda ay la wiliilayaan!
Kani waa Xildhibaan
hore Kijaadhe, oo difaaca u qaabilsanaa golihii hore ee wakiilada SL, waxa uu
ka sheegey ansixintii 2020-2021, in xog ururin ay sameeyeen golaha wakiiladu,
ay ogaatey, in qoysaska ciidanka SL ay noqdeen kuwa ugu nolosha hooseeya,
caruurtooduna ay sagxadda ka xigaan, kuwa qoxootiga Oromada ah ee sharci
darrada ku jooga SL!
Xildhibaan Kijaadhe
waxa uu ku darey, waxaan wareysi ugu tagey Wasiirka difaaca Caateeye Fariid,
waxa uu ii sheegey, in aanu awood u laheyn in uu ka warbixin karo, miisaaniyada
ciidanka, isagoo ku timaamey sir ciidan!!!
Kijaadhe, waxa uu
miisaaniyadii ciidanka ka weydiiyey, in ay sanad kasta, sababta ciidanka looga
reebto gunadda ka kooban 12 malyuun ee Doolar? Wasiir Caateeye Fariid waxa ku
jawaabey: hadii lasiiyo waxey ku cunayaan maandooriye sida qaadka oo kale!
Hadana, waxa uu
xildhibaan Kijaadhe ku celiyey, miyaaney ciidanku aheyn rag masuuliyiin ah oo
reero leh, waa maxay sababta loo siinayo mushaharkooda, hadana loogu aamini
waayey gunadoodda ay bacadka, cabsida, gaajada iyo colaada, ugu galan-goleen?
Wasiir Caateeye Fariid, jawaabta waa ka gows adeeygey in uu bixiyo.
Dagaalka sanadkan
horaantiisa ka qarxey, Laascaanood, waxa shacabka SL tusey, in ay rumoodey,
hadaladii la isla dhex marijirey, ee ahaa: in Ciidanka SL noqdey mashruuc
siyaasadeed, oo dadka lagu beer-laxawsado iyo naas irmaan oo la nuugo.
Kasii darane, waxa
jirta in dadka ugu badan ee ciidanka ku jiraa, uguna darajada sareeya, in ay
yihiin magacyo aan jirin(Caaglayaal), iyo duqey hawl gabtey oo dhulyaal ah iyo
waliba dad reer miyi ah, oo hela raashin joogta ah oo noloshooda ku maareeyaan.
Dadkan reer guuraaga u
badan waxa lagu xidhiidhiyaa in ay, la qoys iyo qabiil ba yihiin, xukuumadihii
Kulmiye ee kala dambeeyey, madaxdooda SL.
Waxa intaas dheer, in
rag lawada garanayo, ay calaa mid u heystaan liis magacyo ah, oo ka kooban
kumanaan qof, uu malaayiin dolar sanadkii ka dheefa.
Indha-sarcaad ahaana,
lagu sheego, in ay yihiin ciidan heegan ah oo ka mid ah, guutooyin
ciidanka qaranka ah.
Tani waxey tahey
sababta koowaad, ee wiiqdey in uu ciidanka SL lagaga adkaadey dagaalka
xaq-darrada ah ee lagu hayo beesha Daraawiishta ku abtirsata.
Sababta la baad ee ciidanka SL ku jabey waxay,
tahey.
1) In ciidanka kasoo
jeeda beesha Darawiishta aan loo aqoonsan in ay ka heer hooseeyaan ciidanka
intiisa kale, taas oo ka dhigtey maleeshiyaad la mid ah dabaqoodhiga ka jiri
jirey, kililka 5aad. Iyadoo inta badan, ciidankaas loo adeegsado naafeynta, iyo
liciifinta dadka ay ka soo jeedaan.
2) Tani waxey hurisey
in marar badan ay ka qeyb galeen dagaal beeleedyo lagu hoobtey, oo ka dhacey
gudaha beesha Daraawiishta. Iyadoo xukuumada odayada deegaanku ka codsadey, in
laga joojiyo maleeshiyaadka, lacagaha qarsoodiga ah loo qorey, ee xasuuqaya
shacaba Dhulbahante. Laakiin dhag jalaq looma siin.
3) Xiligii gadoodku ka
bilaabmey magaalada Laascaanood, 27 December, waxa raacey intii badneyd ee
ciidanka qarsoonaa in ay joojiyaan, dhibka ay ku hayeen dadkooda, hadana
difaacoodka ay hormood ka noqdaan.
4) Waxa bilaabmey in
ciidanka uu hore u xumkumi jirey Mahdi Cambaashe ee deegaanku, ogaayeen,
dhamaan xogaha ciidanka qeybtiisa Bariga, hadii ay noqoto, saanada iyo agabka
dagaal, hadii ay noqoto nooca taakulada, hadii ay noqoto awooda iyo
god-daloolooyinka ciidanka iyo xataa tamarta iyo dabeecadaha shaqsi ee
askri kasta iyo hab nololeedkiisa.
5) Sababahaas oo dhan
waxay ka yeeshey ciidanka qaranka SL in uu noqdey mid qaawan oo dhabarkiisu
dayacanyey, oo xoogaga SSC da iyo Jamaahiirta ku lamaani ogyiin, goobaha ay ka
dagaal gali karaan iyo goobaha ka difaac gali karaan. Taas oo keentey in si
xarago leh, gacantooda ay ugu bixi la´dey Laascaanood oo ah, qorshaha koowaad
ee madaxweyne Muuse rabo.