Ergayda Arimaha Dhaqaalaha Ee Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Lagu Xayiray Garoowe.

0
Wednesday May 31, 2023 - 19:35:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1066
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergayda Arimaha Dhaqaalaha Ee Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Lagu Xayiray Garoowe.

    "Sida aan xogta ku helnay Khadar Faroole ayaa saraakiisha hor istaagtay safarkiisa ku war-galiyeen"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sida aan xogta ku helnay Khadar Faroole ayaa saraakiisha hor istaagtay safarkiisa ku war-galiyeen"



Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in ergeyga u qaabilsan Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha Ganacsiga, Khadar Cabdiraxmaan Faroole laga hor istaagay safar uu ugu soo ambabixi lahaa Garawe.

 

Ergayga ayaa la sheegay in uu saakay tagay garoonka diyaaradaha magaalada Garawe si uu halkaasi uga soo duulo una yimaado magaalada Muqdisho, hasa ahaatee ergayga ayaa lagu war-galiyay in uusan ka bixi karin Garawe.

 

Sida aan xogta ku helnay Khadar Faroole ayaa saraakiisha hor istaagtay safarkiisa ku war-galiyeen in uusan dhoofi karin uuna kamid yahay siyaasiyiin dhawwaan Xeer ilaalinta Puntland u jartay waaran soo qabasho ah.

 

Go’aankan loogu diiday in magaalada Garawe uga baxo ergayga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan arrimaha ganacsiga Khadar Faroole ayaa laga cabsi qabaa in xiisad hor leh ka abuurto magaalada Garawe oo qoyskiisu awood badan ku leeyihiin.


Loading...
Loading...