TAAHA-BERBERA KA JIRA 2023 GAN.

0
Wednesday May 31, 2023 - 09:48:47 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TAAHA-BERBERA KA JIRA 2023 GAN.

    Markaan Xaaladda Berbera Daba-Guray Een U Kuur Galay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markaan Xaaladda Berbera Daba-Guray Een U Kuur Galay



Berbera waa Magaalo xeebeed (Maritime trade ) ahayd in ka badan 2000 oo sano waqtigii Griiggii hore iyo China. Waxay ahayd Caasimaddi u horaysay ee British Somaliland Protectorate (1884 - 1941). Waxay ahayd ama illaa hadda tahay Dekedda ugu weyn somali Peninsula. Magaalo ahaan 100 sano ka hor waxay isleegaayeen Magaalada Djabouti weliba Berbera ayaa xagga JACAYLKA IYO ARTS berigaa ku - GABAYADA CILMI' BOODHARI IYO INANTII HODAN ABDI WALANWAL KU HOGAAMINAYSAY OO (LOVE-IN-THE-AIR) BAY BERBERI AHAYD.



 

weligeed Berberi xagga biyaha hodan bay ka ahayd oo buuraha Sibidhka waxaa illaa hadda kasoo burqada biyo -biyo-kulule, dooxa biyo guure iyo dubaar.


Intaasi waa ka warran Kooban (highlights) oo Berbera ah laakiin dulucda maqaalku wuxuu ku gororayaa Berbera xaalkeeda Maanta 2023.


 

Berbera Xaalkeeda Haddaad Maanta Rogrogtid Markaad Dhinac Ka Eegtid Waxaad Is Odhanaysaa 20 Sano Ayey Ka Horaysaa Magaalooyinka Somaliland Waayo Waxaan Horuumar ( Infrastrure) Oo Wadooyin, Dekedweyn, Airport Weyn Oon Lagaba Shaqaysiin, Nadaafad Hadh Iyo Habeen Ka Socota , Dhir Si Habaysan Loogu Beeray Oo La Waraabiyo Subax Iyo Galab.


 

Hadana Waxaad Arkaysaa Magaalooyinka Waaweyn Iyadoo Dhinacyo Badan Ka Dambaysa 25 Sano. Nolosha Dunidu Dhinac Kasta Waxay Ku Xidhantay Quwadda Iyo Korontada Casriga Ah. Magaalo Bulsho Waxay Ku Nagaataa Waa Koronto Quwad Leh Oo Joogtaysan , Shanta Salaadoodba Ragcada Koobaad Baa Laydhku Ka Bakhtiyaa ,Waana Magaalo Heer Kulkeedu Sarreeyo. Hoteelada Hurdadu Wey Haawanayaan, Cuntooyinka La Kariyo Bulshadii Cuni Layd Way Ka Qaxday Berbera.


 

Markaan Xaaladda Berbera Daba-Guray Een U Kuur Galay Mushkiladda Berbera Ee Laydhka Xagga Allah Kamay Iman Ee Niman Aan Tiro Badnayn Oo Laydhka Berbera Kooto Ku Haysta Ayaa Magaalada Iyo Bulshada Ula Dhaqma Sidii Boqortooyooyinkii Hore Ee Kun Sano Ka Hor Meelo Badan Bulshooyinka Hoos Jooga Ula Dhaqmi Jireen Ayey Tijaarta Laydh Ka Berbera Reer Berbera Ula Dhaqmaan, Cadaabtii Ifkay Ku Hayaan. Waa Meesha La Sheegay In Aan Qof Reer Berbera Ahi Aqalkiis Solar Dulsaari Karin. Dadkuna Fikirkoodu Ma Gaadhin ( Stand-Up For Your Rights) Oo Weer-Shaydaan Bay Iska Xidhanyihiin.


 

Markaa Dadka Reer Berbera Waxaan Kula Talinayaa Hadday Nimakaasi Sannadkan 2023 Laydhka Berbera Wax Ka Bedeli Waayaan Itaal Kale Ma Haysaane Laga Bilaabo 1st January 2024 Qalbiga Ka Wada Habaara Way Idin Dhaafayaan.


 

Qoraa Bashe-Buurdhegsyste.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...