Gaboose, Rar Kama Daalo, Iyaguna Kama Daayaan!
Sanadkii 1997 waxa
dhenged ka dhigtay Alle haw naxariistee Mohamed Xaaji Cigaal, kadib wuu tuuray
markii uu ku gaadhay ujeedkiisi ahaa Beesha Gaboose oo berigaa beelaha kaloo
dhammi la dagaalameen in hubka laga dhigo. Ujeedkiisi Cigaal kolkuu gaadhay
Gaboose banaanka ayuu u tuuray.
Sanadkii 2002, oo
Somaliland laga hirgalinayey nidaamka Asxaabta faraha badan waxa loo furay urur
siyaasadeedkii Sahan oo ay dabada ka riixayeen rag ay kamid ahaayeen Muuse
Biixi oo ururkaas Sahan gudoomiye kuxigeen ka noqday. Ujeedka Sahan loogu furay
ayaa ahaa inaan Siyaasi beeshiisa kasoo jeeda oo laysku raaci karaa aannu Xisbi
furan.
Markii taasi hirgashay
ee furistii ururadu xidhmeen Gaboose waxaa maalin cad ka dareeray Muuse Biixi
iyo kooxdiisi oo ku biireen Udub iyo Kulmiye. ugu dambayna sidaas ayuu ku
hadhay Ururkiisi loo furay.
Sanadkii 2007, waxa
markale soo rartay koox ay kamid ahaayeen Mohamed Xaashi Cilmi, Muuse Biixi iyo
Ibraahim Cabdi, waxaana loo furay Urur siyaasadeed Qaran layidhaahdo oo la
doonayey inuu la dagaal galo Daahir Rayaale Kaahin. Ujeedkii loogu aasaasay
ururkii Qaran markii la gaadhay waxa uu ku biiray Xisbigii Kulmiye.
Kulmiye waa Guulaystay,
Madaxweyne Siilaanyo na wuxuu siiyey Gaboose Wasiirkii Arrimaha Guddaha. Mudo
kooban waxaa isku dhacay Ahmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi. Markale Gaboose oo
wasiir ah ayaa Muuse Biiixi iyo kooxdiisi ku qanciyeen inuu iscasilo lana
dagaal galo Madaxweyne Siilaanyo.
Gaboose waa iscasilay,
Siilaanyo oo ku maqan dalka dibbadiisa. Wuxuuna wasiir ahaa mudo bilo ah.
Sanadkii 2012, waxaa la
furay tartankii Urur siyaasadeedyada. Abdirahman Mohamed Abdillaahi (Cirro)
wuxuu ku dhawaaqay urur Siyaasadeedkii Waddani.
Isla sidii oo kale ayaa
Gaboose dhabarka lasoo taabtay waxaana lagu yidhi adiguna furo Urur
siyaasadeedkii lagu dili lahaa Abdirahman Cirro. Wuxuu furtay urur uu markan u
bixiyey (Ummadda).
Nasiib daro talada waxa
hayey Ahmed Siilaanyo iyo adeegayaashiisi oo qaarkood ay isku seegeen Muuse
Biixi dhibaatadii uu Siilaanyo u gaystay guushii kulmiye kadib iyo sidii uu
faraqa ugu dhegay Muuse, si’uu Siilaanyo ugu wareejiyo Gudoomiyenimada Xisbiga
Kulmiye.
Markan ujeedkii Gaboose
loogu furay Urur Siyaasadeedka cusub waa fashilmay waxaana soo baxay
Cabdiraxmaan Cirro iyo Xisbiga waddani.
Gaboose, markale waa
kan u adeeg isleh Muuse Biixigii oo wakhtigii ka dhammaaday, gacmaha dhiig ku
leh oo gabal baad u dumay.
Muuse isma beddelin oo
shaqadiisi cid u qabata ayuu rabaa, Macal Asaf Gaboose na isla shaqadii 1997,
2002, 2007, 2012 ayuu diyaar u yahay inuu 2023 markale u qabto ciduu usoo
adeegi jiray.
Dhawaan, 1/05/2023 waxa
uu Odayaasha Garxajis Balan ugu qaaday inaanu markan yeelayn in lasoo rarto iyo
inuu arkay heerka dadweynaha uu kasoo jeedaa ay taagan yihiin.
Ugu dambayn, Bahal
Ceedhin ma daayo Ninna caadadii ma baajee, Markale Gaboose isla bishan
23/05/2023 ayaa kooxdii uu hayinkooda soo ahaa ee Muuse odayga u ahaa ay u
kaxeeyeen Jabuuti, waxaana dib loogu soo qanciyey in laga maarmi waayey
rarashadiisi. Dee waa kaa caawa isagoo Madluunsan muuqaal laga soo duubay oo
yidhi "Doorasho Madaxweyne dhici mayso iyo Rarashadii diyaar baan u ahay”
Hadduu ogaan lahaa
halka xaal taagan yahay waxaas ummadda lama hor yimaadeen.
Waxa qorey: Abdirizak
Terra