Dagaallo Culus Oo Mar Kale Ka Dhacay Magaalada Khartuum

0
Wednesday May 31, 2023 - 08:43:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Culus Oo Mar Kale Ka Dhacay Magaalada Khartuum

    "dadka deegaanka ayaa soo sheegay dagaal xooggan oo ka dhacay dhammaan saddexda magaalo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"dadka deegaanka ayaa soo sheegay dagaal xooggan oo ka dhacay dhammaan saddexda magaalo"



Isku dhacyo xooggan ayaa laga maqlayay caasimadda Suudaan goor dambe oo Talaadii aheyd, sida ay sheegeen dadka deegaanka, ka dib markii kooxaha millatari ee dagaallamayay in ka badan lix toddobaad ay ku heshiiyeen in la kordhiyo xabbad-joojinta looga golleeyahay in gargaarka loo oggolaado dadka rayidka ah.

 

Ciidanka iyo Xoogaga Taageerada Degdega ah ee (RSF) ayaa ku heshiiyey in lagu kordhiyo heshiiska xabbad-joojinta ee todobaadka ah shan maalmood ka hor inta uusan dhicin goor dambe oo Isniin ah.

 

Xabbad-joojintan ayaa ahayd mid dhexdhexaadin ah, waxaana si fog isha ugu haya Sucuudiga iyo Maraykanka oo sheegay in labada dhinacba ay ku xad-gudbeen, balse weli loo oggolaaday in gargaar la gaarsiiyo dad lagu qiyaasay 2 milyan oo qof.

 

Saacado ka hor inta aan la saxiixin kordhinta xabbad-joojinta, dadka deegaanka ayaa soo sheegay dagaal xooggan oo ka dhacay dhammaan saddexda magaalo ee isku xiga ee ka kooban caasimadda weyn ee Suudaan ee ku xeeran halka ay ku kulmaan webiga Niil - Khartoum, Omdurman iyo Bahri.

 

Iska horimaadyada ayaa goor dambe oo Talaadadii ah dib uga soo cusboonaaday duleedka magaalooyinka.

 

VOA


Loading...
Loading...