Ciidamo Gadoodsan oo la Wareegay Koontoroolka Dekada Boosaaso.

0
Tuesday May 30, 2023 - 17:35:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Gadoodsan oo la Wareegay Koontoroolka Dekada Boosaaso.

    "Waxa ay Ciidanka isku hor fadhiyaan afaafka hore ee dekedda Ciidanka amaanka Dekedda Qaabilsanaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa ay Ciidanka isku hor fadhiyaan afaafka hore ee dekedda Ciidanka amaanka Dekedda Qaabilsanaa"



Boosaaso (HWN) Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta ciidamo katirsan kuwa Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay la wareegeen afaafka hore baraha Control ee laga ilaaliyo Dekedda magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

 

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in muddo lix Bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah, isla markaana Xukuumadda Puntland ay ka doonayaan xaquuqdooda.

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada gadoodka sameeyay oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ay isku hor-fadhiyaan Koontoroolka laga galo Dekadda Boosaaso Ciidada ilaaliya dekadda, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in laga cabsi qabo inay dagaalamaan.

 

Waxa ay Ciidanka isku hor fadhiyaan afaafka hore ee dekedda Ciidanka amaanka Dekedda Qaabilsanaa, ilaa iyo haatan.

 

Bilihii la soo dhaafay ayaa Ciidan badan oo katirsan kuwa Puntland ay sameeyeen  gadood ay uga cabanayaan mushaar la’aan, waxaana qaarkood ay xirteen waddooyin muhiim ah oo kuyaalla degaannada Puntland wallow markii dambe la xaliyay.


Loading...
Loading...