Garaad Gala Dagaalkay Yidhaa,Galabta Waa Koowe,Geestee Lagu Badbaada,Dabaa Mawlacii Galaye..

0
Tuesday May 30, 2023 - 14:51:14 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garaad Gala Dagaalkay Yidhaa,Galabta Waa Koowe,Geestee Lagu Badbaada,Dabaa Mawlacii Galaye..

    Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]


 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

 

 

 

Gedmado Xisaabaha Beryahan,Aadmi Garan Weeye,


 

Garanwaaga Geedkii La Yidhi,Xaabo Loo Guraye,

 

Gari Allay Taqana Dhegmadaw,Waa Galfof Madhan



 

Garaad Kora Dad Aan Yeelanayn,Guulena Rumeyay,

 

Gaajo Iyo Colaad Iyo Abaar,Geesna Uga Guurin,


 

Geyigooda Maadhkaa Ku Jira,Garan Aqoon Waayey,

 

Gulufkiyo Colaadu U Tahay,Guusha Nolashooda,


 

Garaadkii Dagaal Galaha,Xamar U Guureeye,

 

Gaajaduu Dadkiisii Badiyo,Geeri Tiro Beelah,


 

Gobanimadu Hayste,Tolkii Daba Guclaynayey,

 

Guno Xamar Ay Siisoo,Gunimuu Helay Garadkii,


 

Kana Goosay Sooliyo,Kuwii Gacalka Moodayay,

 

Gurmad U Dira Shacbkii,U Gubay Ali Garaadlawe,


 

Gurboodkiyo Caruurtii,Ayaan Hoy La Galo Hayn,

 

Gasiin Ay Cunaan Iyo Biyihii,Ba Gabaabsiya Ahe,


 

Gob Shaydan Durbaanka U Tuma,Gaajo Dhimanaya,

 

Geeridu Xaqweeyaan,Hadduu Guule Kugu Keeno,


 

Laba Jeer Go’weeyaan,Markuu Gacal Ku Sooldaro,

 

Gurmadiyo Dagaalbu Geshayo,Geeri U Horseeday,


 

Guutooyin Beelaysaniyo,Gaasas Soo Geliyey,

 

Gumaado Gurboodkii Dhama,Goboladii Soole,


 

Guri Kama Fayooba La Yidhi,Gelingel Laaskii,

 

Garaadiyo Xukuumado Isnecb,Goye Shacabki,


 

Gunimay Xambaarten Kuwaa,Garasho Modeen,

 

Gogol Nabada Kii Dhigilaha,Guluf U Qaasharay,


 

Garaadiyo Suldaanada Colaad,Geliyey Beeshoda,

 

Gu May Jirin Bilash Bay,Goyaal Garabka Saaren,


 

Gunimay Colaadani Dhashiyo,Gacal Iswaageena,

 

Geyi Uu Dadkii Wada Lahaa,Gobolba Reer Sheegto,


 

Gooni Laysu Taagiyo Ma Jiro,Qaran La Goobaaye,

 

Gedmatay Taariikhdeena Guud,Geedi Socodkeedi,


 

Geedi Baad Rartaano Labaad,Dib Uga Guurtaane,

 

Gadaal Raad U Raacdaan,Waqiin Guri Ma Odaane,


 

Goobtii Waxaad Taagantiin,Gaalkii Kaga Guuray,

 

Garaadkiyo Aqoontu Nafluhu,Samo Ku Gaadhaye,


 

Googaalaysi Iyo Muranka,Waa Lagu Gumoobaaye,

 

Gubashadaad Horsedeen,Dabkaad Gelisay Reerkaga,


 

Goolaaftan Guul Laguma Helo,Meela Kuma Gaadhid,

 

Guura Ciidankad Leedahiin,Waad Gardarantiine,


 

Garaadadan Isyeelyeelaye,Gala Dagaalkay Leh,

 

Gacal Mooday Geeshkii Shabaab,Gaalo Waranleyda,

 

Guutooyinkii Reer Budlaan,Ceeb La Soo Gala’e,


 

Gabashiyo Daroogay Bareen,Gaas Dhegoolaha,

 

Gurmad Bay Idiin Yiin,Kuwanaad Guura Leedhay,


 

Galbeed Ciidanka Kaga Yimid,Gacalkiin Weeyaan,

 

Geesh Weeye Gaadiidayoo,Eebbe Garanaaya,

 

Guryahiina Aan Baadhanayn,Gabadhna Boobaynin,

 

Ganbadha Iyo Goojacade,Waa Gebi Dhulkeeniiye,

 

Gaabsada Gef Waa Lagu Lumaa,Guule Talo Saarta.

 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...