Doorashadda Erdugan iyo marxalladahii Turkey-ga

0
Tuesday May 30, 2023 - 10:54:44 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashadda Erdugan iyo marxalladahii Turkey-ga

    waxana muuqata fahamka siyaasi ee uu leeyahay ordugan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxana muuqata fahamka siyaasi ee uu leeyahay ordugan



Erdogan waxa uu noqday raysal wasaare markii ugu horeysay kadib doorashadii ku celiska ahayd ee ka dhacday Siirt 2003.


Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Turkiga ee 2023, isagoo ka adkaaday hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu codbixintii ku celiska ahayd ee Axaddii, wuxuuna xukunka ku sii fidiyay toban sano oo saddexaad.



Iyadoo 99.43% codadka la tiriyay, natiijada rasmiga ah ee hordhaca ah ee uu ku dhawaaqay golaha sare ee doorashada Turkiga (YSK) Axadii ayaa muujisay in Erdogan uu ku guuleystay 52.14% codadkii la dhiibtay. Kilicdaroglu ayaa helay 47.86%.


Guusha Erdogan uu ka gaaray Kilicdaroglu, oo ah 74-jir xafiis-yaqaan ah, ahna hoggaamiyaha xisbiga bidix ee CHP, ayaa Turkiga ka dhigeysa qaran si weyn u kala qaybsan. Isaga oo kumanaan taageerayaashiisa ah kula hadlayay bannaanka xarunta madaxtooyada ee Ankara, Erdogan waxa uu sheegay in hadda la joogo waqtigii " meel la iska dhigi lahaa dhammaan doodaha iyo khilaafyada ku saabsan xilliga doorashada oo aan ku midoobi lahayn himilooyinka iyo riyooyinkeenna qaran.”


waxana muuqata fahamka siyaasi ee uu leeyahay ordugan, Taaso markiiba uu kaga hadlay qudbadiisii ugu horeysay midaynta shacabkiisa; isaga oo sii hadlayana wuxuu yidhi


"Kaliya ma nihin kuwa guulaystay, guusha waxa iska leh dhamaan dadka Turkiga,Guulaystaha waa dhammaan qaybaha bulshadeenna, dimuqraadiyaddeenna waa Tan guuleysatay,”.


Erdogan ayaa sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay dowladdu siin doonto Ahmiyadda ay ka mid tahay la dagaalanka sicir bararka iyo bogsashada dhaawacyadii ka dhashay dhulgariirkii 6-dii February galaaftay nolosha in ka badan 50,000 oo qof oo ka dhacay Turkiga iyo dalka deriska la ah ee Suuriya.


Maalmahii ollolaha doorashadda saxaafadda reer Galbeedka iyo mida bariga dhexe/carabtu intoodda badani waxay dagaal ku qaadeen madaxweyne erdugab iyaga oo faraha dhiig u mariyay, ilaa ay jiritaanka dalkaas ku xidheen innaanu soo bixin erdugan.


Ka hor Erdugan DHAQAALAHA-

Turkey-ga waxa ka jiray sixir barar baahsan iyo dhaqaalaha dalka oo sagxadda ah,Taas oo lacagta dalka ee liiradu ay ahayd mid hoos u dhac weyn ka muuqdo wakhtigaas, " Tusaale Ogost 2003,1 Dollar=1433997.889447 TLR", Halka maanta 1dollar yahay 20 RLR, Taas oo ku tusaysa muddo labbaatan sanno ah kadib kor u kaca ay samaysay lacagta wadanku.


AMNIGA-Turkeygu wuxuu ka mid ahaa saldhigyadda ugu weyn ee Mossad ay hawl galladda afduubka ah ka samayso iyadda oo in ka ugaadhsan jirtay cid walba oo ay u aragto innay khatar ku yihiin amnigeedda.

Waxaynu ja dharagsanahay oo aan qormo iyo qoraal midna iyadu aan u baahnayan horumarka uu ku talaabsaday Turkeygu labbaataneeyadda sanno ee dhanka saannada hubka cirka, Badda, iyo Ka ciidamadda qalabka sida ba.


Inta ugu badan bulshadda dalkaasi iyaga oo ka duulaya horumarka baaxaddaa leeg ee dalku gaadhay muddadaa gaaban waxa ay dhaggaha ka furaysteen baaq walba oo uga imanaayay beesha caalamka inteedda badan iyo cid walba oo cawaw u ahayd jiritaanka ummaddaa ,iyaga oo go'aan ka gaadhay masiirka ubbadkooda, dalkooda iyo ka nafahoodaba, una midoobay dantoodda


ugu danbayn waxaynnu ka baran karnaa doorashaddii ka dhacday dalkaas, oo badi wadama caalamku indhaha ku hayeen, innaan Ummaddi Ummad kale danteeda ka fikirahayn ee ay Bulsho walba saarantay masuuliyadda jiritaankooda iyo Talladda Aayahoodaba.


Qalinkii : Nimcan Ahmed Bihi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...