Imaaraadka Oo Ku Dhawaaqay Inuu Hawada Sare Ka Samayn Doono Sahan Ballaadhan

0
Tuesday May 30, 2023 - 08:35:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Imaaraadka Oo Ku Dhawaaqay Inuu Hawada Sare Ka Samayn Doono Sahan Ballaadhan

    "Imaaraadka Carabta ayaa sannadkii 2020 waxay meeraha Mars u direen dayax gacmeed"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Imaaraadka Carabta ayaa sannadkii 2020 waxay meeraha Mars u direen dayax gacmeed"



Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa shaaciyey Isniintii qorshe ay hawada sare ugu dirayaan dayax-gacmeed sahan ku soo sameeya, walxo-cireedyada ku gedaaman bah-cadceedeedda (Solar System).

 

Dayax-gacmeedkan cusub ayaa la filayaa inuu shaqadiisa bilaabo sannadka 2028, taasoo laga yaabo inuu jaro xawaare gaadhaya illaa 33,000 oo KM saacaddii, wuxuuna safarkiisu qaadan doonaa muddo toddoba sannadood ah, isaga oo sahamin doona illaa lix ka mida walxo-cireed oo kala duwan.

 

Imaaraadka Carabta ayaa sannadkii 2020 waxay meeraha Mars u direen dayax gacmeedkoodii ugu horreeyey.

 

Imaaraadka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee Carbeed ama dalkii labaad ee dunida ee si rasmi ah ugu guulaysta inuu tallaabadii koowaad ee uu qaado ku gaadho xayndaabka meeraha Mars, taasoo dhacday bishii February ee sannadkii 2021.

 

Hay'adda sahanka hawada sare ee dalka Imaaraadka Carabta oo la dhisay sannadkii 2014, ayaa ku socota si xawli ah, waxaana hawlgalkan cusub ee ay ku dhawaaqeen uu toban jeer ka weyn yahay, hawlgalkii ay ku tageen meeraha Mars.

 

Dayax-gacmeedka la dirayo ayaa la filayaa inuu bisha October ee sannadka 2034 uu gaadho walxo-cireedka toddobaad ee ugu dambaysa.

 

VOA


Loading...
Loading...