Sida qoraagu u dhisi karo kalsoonidiisa

0
Monday May 29, 2023 - 12:30:02 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sida qoraagu u dhisi karo kalsoonidiisa

    1. Ku raaxeyso in aad tahay leyli!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. Ku raaxeyso in aad tahay leyli!



Marka uu qoraagu ku cusub yahay qallinleyda, waxa uu la kulmaa caqabbado.


Inta badan, waxa loo qariyaa ama aannu ka warhayn in uu qoraalku adag yahay! Sida oo kale, meesha ma soo dhigto, inta ammin ee uu qaadanayo.



Marka ay sidaa tahayna, marka uu qoraalka sidaa u bilaababa, faraha ayaa uu kaga gubtaa. Xaalkiisu waxa uu noqdaa: kurtin yahay ma waxaa aan ku mooday! Halkaasi ayay kalsooni la'aani kow ugu noqotaa!


Haddaba, waa in maanka aad ku heysaa in aad tahay qoraa curdin ah. Waa in aad soo dhaweysaa inaad wax kaa qaldami karaan ileen leyliguba biyaha waa uu daadiyaaye.


Marka aad xirfadaha kale baraneysid sida wadidda baabuurka, waa aad ku riyaaqdaa in aad tahay mid badhtanka kaga jira, waxbarasho cusub; qoraalkuna waa sidaas oo kale ! Ku raaxayso in aad qoraa bilow ah tahay.


Wixii kaa kaa qaloocsama, qofkii kaaga aqoon badan ii toosi dheh, beddalkii aad ceeb u arki lahayd!Marka aad sidaa yeeshid, waxa aad noqon mid aad ugu faraxsan in uu yahay qoraa barbarrad ah.


Kalsoonida ayaa qanjaha ku tagi. Mar kasta wax baa kuusii kordhi. Keliya ku raaxeyso in aad tahay qoraa hadda ababbaaya( enjoy being beginner writer)


La soco qodob kale....


Mohamed Haybe


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...