Warmurtiyeedka ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka 28/05/2023

0
Monday May 29, 2023 - 10:57:09 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warmurtiyeedka ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka 28/05/2023

    Geesinimada looga gudbayo xayndaabkaas siyaasadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geesinimada looga gudbayo xayndaabkaas siyaasadeed



Warmurtiyeedka ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka 28/05/2023 waxaa ku jira firkir aad ugu wanaagsan wanaaga guud ee maslaxada ummadda Soomaaliyeed oo hanaqaadidiisaay taariikhda Soomaaliya ka gelineyso baal dahaba, kaas oo siyaasadda Soomaaliya u horseedaya isbedel ku yimaada markii ugu horeysey sooyaalkeeda inta ay jirtey, waxeyna taas jidka u xaareysa mustaqbalka Soomaaliya inuu noqdo mid ka madaxbanaan khilaafyo siyaasadeed oo dagaalkoodu ka dhex curto dowladda dhexdeeda, waxeyna taas ka dhigeysaa Soomaaliya mid ka guurta xukunka hanaanka baarlamaanka, una guurta hanaanka madaxweynaha.



Soomaaliya oo yeelata hanaanka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka waxey tilmaameysaa in Soomaaliya ay hadda ku soo baraarugtey casrinimada siyaasadaha adduunka ka socota kadib 64 sano oo nidaam uu dejiyey fashiistihii Talyaaniga gumeystey Soomaaliya ay ku dhaqmayeen, kaas oo aan hadda la jaanqaadi karin siyaasadaha cusub ee adduunka looga dhaqmo, kuwaas oo kala ah ama in shacabka ay soo doortaan raisulwasaaraha hogaamiya xukuumadda ama madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen hogaamiya dalka iyo xukuumadiisa, kuwaas oo dhamaantood ku kala imaanaya doorasho xisbi oo ay dadku codkooda si toosa ugu dhiitaan cida xukumeysa.


Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Hasan Sheikh Maxamud wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyey oo siyaasadda Soomaaliya ka xoreeya dimoqaraadiyad beenabuura oo ku saleysan qabyaalad iyo sadbursiga ay ku heysteen dowladda qowleysato dhaqan iyo mid siyaasadeed oo ahha kuwii u adeegi jirey gumeystaha Talyaaniga oo siyaasadoodu ku xirneyd ku dhegenaanshaha xeeladaha uu gumeystihii ku reebay maskaxda kuwii awooweyaaashood ay dantooda iyo dantiisa heshiiska ku wada ahaan jireen, kuwaas oo markasta dhashoodu u taagan yihiin in iyaga looga dambeeyo tilaabo qaadka kowaad iney iyagu yeeshan, haddii ay sidaas waayaan ka shaqeynaya burburinta iyo kala taga dowladda.


Geesinimada looga gudbayo xayndaabkaas siyaasadeed waa mid u baahan in siyaasiyiinta dalka laga talogeliyo hanaanka cusub ee dowladnimada Soomaaliyeed ay u guureyso, waxaana lagama maarmaan ah in dulqaad loo yeesho mucaaradnimada xoogan ee fikirkaan cusub ka dhalan doonta, maxaa yeelay wax kasto cusub waxey argagax gelinayaan oo ay hubanti la’aan ku abuureysaa fahamka dadkii maskaxdoodu ku dhegeneyd nidaamyadii hore ee dalka dowladnimadiisa lagu soo maamulayey, siyaasiyiintaas oo inta badan hadaladoodu ay muujinayaan iney doonayaan isbedel siyaasadeed, balse marka ay timaado isbedel ayasan iyagu garwadeen ka ahayn oo loo qaaday dhanka wanaagsan ay ficil ahaan diidayaan.


Soomaaliya oo yeelata hanaanka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka waxey dowladnimada Soomaaliya ku maamuleysaa nidaamka jamhuuriga oo ah in dalku yeesho hal madaxweyne, hal dastuur, hal dowlad, hal caasimad, hal lacag, canshuur mideysan, hal wadaniyad, hal shacab, hal ciidan, iyo hal siyaasad dibadeed. Hanaankaas wuxuu meesha ka saarayaa nidaam kasta oo ku dhisan kelitalisnimo diimeed, qabyaaladeed, goboleed, ama wadaniyadeed iyo mid ku dhisan boqrtooyo ay dad gaara ku lahaanayaan dadka, dalka, iyo awooda dowladda, balse taas bedelkeeda dalka laga hirgelinayo in awooda dowladda dib loogu celinayo gacmaha dadweynaha oo ay rabitaankooda si toosa ay ugu soo dooranayaan madaxda ku maamuleysa wanaaga maslaxadooda guud.


Hanaankaan cusub ee dowladnimada Soomaaliyeed ay u guureyso wuxuu u baahan yahay wakhti horudhaca oo loogu gogolxaaro tilaabo qaadkiisa hore oo noqonaya bilowga jidka dheer ee lagu turxaanbixinayo jidgooyooyinka horyaala adeegsiga ku dhaqankiisa, waxaana wejigaas haboon in xoogga lagu saaro sidii siyaasiyiinta ku dhiban hanaankan looga qancin lahaa iney soo koraan doonta lagu taageerayo hanaanka cusub oo xasilinta mowjadaha ay dhex mareyso ay uga qeyb qaadan lahayeen sidii ay nabadgelyo ugu dhamaan lahayd ka guulgaarida safarkeeda.


Hanaanka ku dhisan siyaasadda madaxweynaha wuxuu ka turjumayaa inuu xilka ku imaanayo ogolaanshaha dadweynaha codkooda, kuna shaqeeynayo rabitaanka dadweynaha iyo tixgelinta dareenka cabashooyinkooda, iyo inuu yahay madaxweynaha dalka iyo dowladda oo si xoogan isugu haynaya wadajirka dhuleed ee jamhuuriyadda iyo midnimo ku wada noolaashaha dadweynaha, wuxuuna xaqiijinayaa mudnaanta kowaad oo ay leedahay dhowrista xuquuqda iyo xoriyadaha uu dastuurka siinayo wadaniyiinta jamhuurida Soomaaliya, taaso kalifeysaa in ku dhaqanka xukunka sharciga uu noqdo midka dadka iyo dowladda ay heshiiska ku wada yihiin iska kaashiga ka wada shaqeynta meelmarintiisa.


Hanaankaas siyaasadeed waxey awood badan siineysaa madaxweynaha jamhuriyadda, waxeyna taas meesha ka saareysaa isbarbaryaacii ka jirey hogaanka dowladda iyo midka dalka, waxeyna ku qasbeysaa madaxweynaha inuu adeegsado awoodaaha ay dadku siiyeen oo ah inuusan u dulqaadan maamul goboleedyo ka xarig furta dowladda dhexe ama gofernatoore isku magacaaba madaxweyne ama maamul goboleed sameysta ciidamo mileteri oo hubeysan oo aan ahayn ciidanka booliska deegaanka oo sugaya amniga deegaanka ama maamul goboleed sameysta lacag maamulkeeda u gaara ama heshiisyo ka madaxbanaan dowladda dhexe oo lala gelayo dowladaha shisheeye ama maamulo iskood u sameysanaya doorashooyin lagu boobayo codadka dadweynaha ama kuwo awood ahaan isla ekeysiinaya mida dowladda dhexe oo ay ku doonayaan iney madaxda qaranka ugu yeeriyaan waxa ay rabaan iyo sida ay rabaan.


Waxaan shaki lahayn iney qeylodhaan xoogan ka imaaneyso kuwa damacoodu yahay iney dowladda markasta ugu goodiyaan iney xiriirka u jarayaan haddii aan loo yeelin sida ay rabaan, iyo siyaasiyiinta danwadaagta la ah danaha shisheeyaha oo aysan u kala baxsaneyn siyaasadaha ay uga soo horjeedan oo ay ku diidan yihiin shaqsiga haya hogaanka dalka iyo siyaasadaha aan mudnayn in la mucaarado oo ah kuwa waxtarka u leh wanaaga maslaxada dowladnimada dalka, maxaa yeelay marka ay meelmarto hanaanka siyaasadeed ee madaxweynaha, waxaa si shuruud la’aan ah u meelmaraysa in xoog loo adeegsado cid kasta oo gudaha ama dibeda ka soo abaabusha qiyaano qaran oo dhagarteedu muuqato ama qarsoon tahay ama xeeladeysan oo lagu doonayo in lagu soo qaado duulano lagu soo maleegey shirqoolo qorsheysan oo qasadkoodu yahay xadgudubyo lagu bartilmaamdeydsanayo midnimada isku haysa dowladnimada, dadka, iyo dalka jamhuuriyada Soomaaliya.


Waxaa hambalyo iyo bogaadin mudan iyo in lagu geesinimo geliyo madaxweynaha Soomaaliya Mudane HSM oo tilaabo wanaagsan u qaaday dhinaca dibuhabeynta hanaanka dowladnimada Soomaaliya oo mudo ka badan lixdan sano ay isgu maamuleysey nidaamyadii ay ka tageen gumestihii, iyo kuwo beenabuura oo ku saleysan diin, qabyaalad, goboleysi, dimoqaraadiyad, iyo shuuciyad kelitalisnimo. Waxaa looga baahan yahay madaxweynaha in marka hore uu hanaanka dowladnimada cusub uu xoogga ku saaro in meesha laga saaro dhamaan sharciyadihii uu ka tegey faashiistihii Talyaaniga iyo xukunkii milateriga kelitalisnimada ku dhisnaa, taas oo dhabaha u xareysa kalsooni lagu qabo sharciyada dalka u degsan rayid ahaan iyo ciidan ahaan.


Dr. Saciid Ciise Maxamud

Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...