Ciidanka Oo Ka Hadlay Wiil Ku Geeriyooday Dhaam Ku Yaala Burco

0
Monday May 29, 2023 - 09:30:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Oo Ka Hadlay Wiil Ku Geeriyooday Dhaam Ku Yaala Burco

    Alle ha u naxariistee hal wiil ayaa ku dhintay Dhaam ku yaala Degmada Waraabeeye oo 80 KM dhanka Koonfureed ka xigta magaalada Burco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle ha u naxariistee hal wiil ayaa ku dhintay Dhaam ku yaala Degmada Waraabeeye oo 80 KM dhanka Koonfureed ka xigta magaalada Burco.

 


 

 

Ciidanku wuxuu degdeg ugu baxay goobtaas,baadigoobna u galay soo saarista Maydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo dhoobada hoose ee Balligu ku dhagtay ku raadjoogeen Inay helaan.

 

Gabagabadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Burco ku guuleysteen Balligana ka soo saareen maydka marxuumkaas iyadoo halkaa ay goobjoog ahaayeen ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista iyo gaadhiga ambalaaska.

 

Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu fariin u dirayaa markastabana shacbiweynaha Somaliland ku adkaynayaa In ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada Dooxyada,Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta.

 

Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo.

 

Hadii aad u baahato gurmad degdega soo wac  990 Gurmadka Degdega ah oo aad ka heli karto shirkadaha Telesom/ Somtel.


Loading...
Loading...