Maxay Tahay Ujeedada Garaadada Dhulbahante Utageen Muqdisho?

0
Monday May 29, 2023 - 09:20:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Ujeedada Garaadada Dhulbahante Utageen Muqdisho?

    "Warar ay heshay warbaahintu ayaa sheegaya in ujeedka safarka Muqdisho ee Isimada SSC…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Warar ay heshay warbaahintu ayaa sheegaya in ujeedka safarka Muqdisho ee Isimada SSC…"



Muqdisho (HWN) Waxaa  magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya tagay qaar kamid ah isimada dhaqanka gobolada SSC, kuwaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.



Isimada dhaqanka SSC ee soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kala ah Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdilaahi, Garaad Cabrisaaq Garaad Soofe, Garaad Cabdisalan Xasan Maxamed iyo Suldaan Mustafe Maxamuud Awseed.


Xubnahaan ka tirsan Isimada dhaqanka SSC ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay ka mid ahayeen Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, gudoomiye ku xigeenka Golaha Aqalka Sare Cabdilahi Timocade, Xildhibaano ka tirsan labada gole iyo qaar ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada.


Warar ay heshay warbaahintu ayaa sheegaya in ujeedka safarka Muqdisho ee Isimada SSC inuu yahay mid salka ku haayo deeqaha Beesha Caalamka ay siiso Soomaaliya sidii qaybtooda toos loogu wareejin lahaa guddiga SSC ee la isku yiraahdo gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.


Isimadaan dhaqanka ayaa lagu wadaa mudada ay joogaan magaalada Muqdisho iney kulamo kala duwan la qaataan madaxda ugu sareysa dalka oo ay la wadaagi doonaan xaalada ka jira magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Loading...
Loading...