Gudoomiye Maxamuud Xaashi, oo ka hadlay Guusha Madaxwayne Erdogan
"Muxuu kaga
badbaaday madaxweyne Ordagon, billaawihii lala beegsanayey.
Madaxweyne Ordagan,
waxaa mar kale u suurtogashay in uu ku guuleysto, Jagada madaxweynenimada dalka
Turkiga. Taas oo uu hore haaneedkeeda u hayey (20) labaatan gu'u oo gaw ah
(2003-2023). Madaxweyne Ordagan, wuxuu
ku guuleystay in ka badan toban doorasho oo is daba joog ah, taas oo aan hore
uga dhicin sooyaalka taariikhda siyaasadda Turkiga. Tan iyo intii la aasaasay
jamhuuriyadda cusub ee Turkiga, ee maanta jiritaankeedu baarka ka jaray halka
qarni ee buuxa (1923-2023).
Madaxweyne Ordagan,
inkasta oo waqtiyadan danbe aad loo dhaliilo, isla markaana uu yeeshay col iyo
cadaw badan, oo caasha isu saaray in ay ciilaan, ama mar uun ay cadaysimo ka
dhigaan. Haddana, waxaan caad iyo ciiro midna ku daahneyn, in uu yahay
hogaamiye leh hami waxqabad iyo himilo fog (visionary Leader). Kaas oo u
horseeday dadkiisa, hodantinimo iyo horumar balaadhan, oo sabab u noqday in ay
ka samatabaxaan, saboolnimadii iyo safkii dunida sadexaad, ee ay sabadeeda
yuurureen sagaashanka sanadood.
Siyaasaddu waa hadhkaa
labadiisa gelin, oo mar waa kufiso, marna waa kibriso. Sidaa darteed, doorkan
Ordagan wuxuu ku badbaaday dirqi iyo tu xun. Wuxuuna ku sigtay in ay doontiisa
dejiyaan, daadadka iyo duufaanada doc walba kaga soo fatahay. Isku soo duuboo,
marka aan soo ururiyo nuxurka abaarta dulucdeena, madaxweyne Ordagan, waxaa
maanta la baxsaday bisaylka siyaasadeed ee bulshadiisa, basarka uu u
beerlaxawsaday bah-weynta dalkiisa, baylahda iyo bartiraynta badan ee ka soo
baxday ragii ay beratamayeen, iyo isaga oo aan beenayn ee fuliyey dhamaan
ballamihii uu qaaday, Xilligii uu ku jirey ololihii doorashadii 2018-kii.
Arrimahaasi, waa kuwa
bud-dhiga u ah, waxyaalaha belaayo xijaabka uga noqday Ordagan, billaawihii
lala beegsanayey. Dhacdadani waxay sida dharaarta u caddaysay, in madaxweyne
Ordagan uu weli leeyahay taageerayaal dhumuc leh. Kuwaas oo dhab ka dhigay in
uu yahay hogaamiye ku jiifa dhab libaax, kaas oo aanay dhigiisu dhayal,
dhiniciisa dhulka u dhigi karin. Allahayoow, ummadayada ka dhig kuwo wax ku
doorta aqoon iyo aragti. Balse, aan wax ku dooran anfac, aduun, eex, iyo ab iyo
isir.
Gun iyo gebo-gebo,
guusha madaxweyne Ordagan, waxay goblan iyo guri-tir ka dhigtay, gaashaan
buurtii uu ka dhaxeeyey guluf weerarku. Kuwaas oo guudka u fidhanayey, in ay
goor aan fogayn ku geeraari doonaan (waa lagu digtaa ruux haduu kuu daraan
jirey, ee bal dayaay wadaadkii waa kaa sii dabayshaday). Foosha siyaasaddu
waxay leedahay filan-waa, iyo fajicisooyin farabadan. Hasayeeshee, waxaa
markhaati ma doon noqotay, in madaxweyne Ordagan uu faraskiisu fayga la baxay,
oo uu hadda farxad iyo foodhi geeraar ku jiro. Isagoo fal-celin iyo fariin
dadban ku leh, ''Baay baay Kamaaloow'', (Dalka waan aqaano, bahal iga da'a
weynoo, dad cun ahi ma joogee, ma didee hargoolow, ha igu tumin durbaanada, iyo
daasadaha madhan).
Hambalyo madaxweyne
Ordagan
Hambalyo shacbi weynaha
Turkiga"