Laba eray hadaan idin idhaah,oon xaqa ku eedaamo Maxaad la eedaaddaysaan siday, Eyddin idin hayso?

0
Sunday May 28, 2023 - 15:37:44 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba eray hadaan idin idhaah,oon xaqa ku eedaamo Maxaad la eedaaddaysaan siday, Eyddin idin hayso?

    Hada dadkaas Dr ka ay kaga dhagto markaan runtu fanto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hada dadkaas Dr ka ay kaga dhagto markaan runtu fanto

Eyddin(Oof wareen)


Markaan wax soo qoro een sugayo cidii hayso waxay ku dadafayn karto xaqiiqada ayaa kaliya waxa laysoo qoraa Dr baad tahaye cilmigaaga nooga faaidee , Dr baad tahaye siyaasada iskadaa , Dr baad tahaye ka dhex bax ,siday Dr ugu celcelinayaan waxaad ba moodaa in qormado oof wareen ku riday oo ay dhakhtar u baahdeen



Hada dadkaas Dr ka ay kaga dhagto markaan runtu fanto maaha kaga dhigo ma arko markaan maalin walba cashar soo dhigayo ama wacyi galin caafimaad waxaanaan u fahmay uun dhankaas caafimaadka nagaga jeed iskama kaa dhicin karno adigee


Oo hadaan dhakhtar ahay yaa iga qaaday xoriyada inaan fikirkayga dhiiban karo mise waxaad rabtaan inaad waxaad doonto fashaan anigana aad ii soo dirtaan saxaradiina iyo kaadidiina ina waydiisaan waxa laydin helay?


Dhakhtarkaa aad waxa wayn u haysataan ma waxaan saxaro iyo kaadi iyo dhiig baadhis ahayn ayuu qabtaa iyo dawo u qorista waxa laydinka helo ?


Si kale hadaan idiinku dhigo dhakhtarka waxaad ka rabtaan waa inuu suuliga idiin fadhiyo ood ku soo carartaan markaad dabadhacaysaan uun ee dan iyo muraad toona kama lihidin cilmiga caafimaadka e mar danbe hayla imanana niicdaas Dr baad tahaye suuliga noo joog ah ilayn wax aan ka hadlay marnaba jawaab kama bixisaan hadaan caafimaad ka hadlana kama fal celisaan amaba maba arkhrisaan mana daawataan waa kuwiina ii soo qoro erayada dhakhtar baa tahay ka bilawma sidii aanan ogayn waxaan ahay ama noloshayduba intaas ku kooban tahay oonan fikirin karin wax kalena ka hadli karin.

DrMawliid Ku-dar


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...