Wareegii Labaad Ee Doorashada Turkiga Oo Saaka Bilaabantay

0
Sunday May 28, 2023 - 11:55:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wareegii Labaad Ee Doorashada Turkiga Oo Saaka Bilaabantay

    "Doorashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo Turkiga uu la daalaa dhacayo dhibaato dhaqaale"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Doorashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo Turkiga uu la daalaa dhacayo dhibaato dhaqaale"



Malaayiin codbixiyeyaal ah ayaa u dareeray goobaha codbixinta Dalka Turkiga iyadoo doorashadii madaxtinimo ee ku celiska ahayd ee abid dalkaasi ka dhacday ay bilaabatay saaka 8-dii subaxnimo ee wakhtiga maxaliga ah.

In ka badan 64.1 milyan oo qof ayaa u diiwaan gashan inay codeeyaan, oo ay ku jiraan in ka badan 1.92 milyan oo hore uga dhiibtay codadkooda goobaha codbixinta ee dalka dibaddiisa.

 

Codbixiyayaasha ayaa kala dooran doona madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo musharaxa ugu weyn mucaaradka Kemal Kilicdaroglu.

 

Doorashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo Turkiga uu la daalaa dhacayo dhibaato dhaqaale oo soo food saartay iyo sidii uu uga soo kaban lahaa dhulgariirkii khasaaraha geystay ee bishii February ee sanadkan ka dhacay Turkiga.


Loading...
Loading...