Haad Habeen Duulay Wax Baa U Sanqadhay? ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday May 28, 2023 - 10:18:08 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 743
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haad Habeen Duulay Wax Baa U Sanqadhay? ( Abdi-Shotaly).

    *.N.B Illaah Baa Guntiga Kuugu Xidhay Maydhax Gumareede.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

*.N.B Illaah Baa Guntiga Kuugu Xidhay Maydhax Gumareede.



Nin-ba Tacabkii talooy kaa maal, ka ku tashaday xumo, tamar is bidoo, ku talaabsaday, muxuu wakhti tolay, sidda toojadda, tulud geeloo, tebtey llmihii , olol taagteed, tahan qaylisay, cidlaad tubantee Kulmiyaw tasho, dadkii kaa tage, adays turqayoo ,is tafaafulay, inan kuu tudho, hayga tuugine, tuugyey ka furfuro. Ummad yahay, murti uu inooga tegay Cigaal Shidaad baa waxay ahayd " Saadam-baad garan" Waxay ina faraysaa, in aanan wax uun ku dhaqaaqine, aad iska fiirsato, iskana hubsato, inta aanad ku kicin ama aanad falin, wuxu Cigaal Shidaad ka dardaar-maayey, qofku in uu qoomamayn doono, wax yaabaha laga kari la'yahay, ee la leeyahay ka joog, wuxu ganafka sare u taago-ba, oo uu is diidsiiyo wax cadaan ahba, aakhirka way hor timaadaa iyadda oo aan la loodin karayn, ka dibna markaas buu indhaha kolba meel ku fiiqaa isaga oo itaal daran. 



Waxana u diil ah kolba meel isku qaadka ah, bal sidana ku day, taas oo ay aakhirkii SooL iyo AwdalI, togdheer iyo Sanaag ay soo gabaga-beeyeen, akhristaw, markii ay anfaci wayday, waxana uu ku keeni waayey, madax-taaggii iyo qafal-xumiddii uu nafta moodaayeey, maalmihii ay maqaaxidu u shidnayd, waata askariga sugaysa'e,waanay soo wajahday, oo hadeer waakaas xaar ka wadhay, tolaay yaaa Reer sheekh isaxaaq aheey? 

Waxa igu soo duulay Daarood. Meese reer sheekh isaxaaqa uu sheegayaa? Miyaanay ahayn, kuwii uu isagu kala dilay ee uu kala daadiyey? Ma wax is raacsan baa jira? Askarigan " Raggii ma adigaa ka hadhay la yidhaaho", Waayo'arag-nimaddii daridda HLhaysa iyo garasho la'aanta ay aqoon xunidda iyo cuqdadu dhaadhmisay sii dheer tahay, waa wax aan la dhayalsan karin, ninka ay tuumbo malab ahi meel ugu jirtaana kuma qanco, illaa ay bishu hortiisa timaado'e, isku soo duuboo ha eersado ficil-kiisa federaha ah.


 

Ummadu waa cadaalad iyo sinaan doon, dulmi diid ah iyo maamul beelaysan, waana ay iman doontaa maalin-toodu. Hees baa waxay odhanaysaa, " Inu Haad habeen kaco,heehaabo heegadda, hafiyaan dabayluu, hidihiisa maahee, hadimadda u baaqdee, kala hadshay samadaa, u horseplay Halistee" Waxan uga socdaa, wuxu yahay askarigu haadkii habeenka duulay, ee jiho uu u kacay garan waayey iyo meel uu ka soo noqdo-toona,ee khal-khalkii hadba gees u baf-baf-leeyey. 


Ummadu waxay si wacan u fahantay, in aad tahay cadawga keli ah ee Somaliland jira, hadaad tihiin labadda askari. Kulmiye wuu soo gabaga-boobay, wuxuna noqday ri'ddii mudo ay sugayeen caruur dhawr ahi in loo liso marka ay dhasho, ee iyaddii oo dhiil weyn ay u sii cusheen, iyaddii dib isu jaqaday, ee caanihii laga filanaayey, iyaddi isku koobtay, cid loo liso daayoo.


Waxan uga jeedaa, askariga Kulmiyaw " Illaah baa guntiga kuugu xidhay, maydhax gumareede, geedkii ad goysaaba waa, gawlaliyo jiice" Maxaanu kuu qaban karnaa, haddii aad noqoteen adiga iyo Geenyo-shaaximani tukihii cadaa iyo Xuunshaddii madoobayd, ee uu mid-koona dhex geli kari waayey noociisii, haddii ummaddii aragiina daayo, maqal-kiinii dhegaha ay ka furaystay, waa midh subxaana-laah "Nabsaa ku haya, hagardaamo gacal, hadimadii-siiye, Aduun baa hayeydda u guntane, heeryo lagu saarye".


 Saw ma tihid ninkii seexday ee soo toosay, ma wax baa iska kaa bedelay? Adoo taariikh-daadda og, weligaa cidla iyo meel aan loo jeedin baad ka botorisaa, oo adaa lamaha isku soo jebiya aan kuu dhawayn inta aad doonto'e. Waxa ay Reer Somaliland ku leeyihiin, wax-ba shaadh kale ha noo soo gashan, cid aad maanta wax u sheegayso baa iskaba yare.

 

...

Waxa nasiib darro ah hadaba, kuwa weli sii hoose fadhiya, ee hungri mooyee aan wax kale loo tuurin, ilayn haddii qanjidh mooyaane wax kale la siiyo'e,

*.N.B Illaah Baa Guntiga Kuugu Xidhay Maydhax Gumareede.

Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...