Gud. Xirsi Oo Ka Hadlay Shil Gaadhi Oo Dhimasho Sababay Kana Dhacay Berbera.
Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha
Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa tacsi udiray
ilaahay naxariistii janno hasiiyee Marxuum Haybe Axmed Yuusuf oo ku geeriyooday
shil gaadhi oo ka dhacay Berbera.
"Alle ha u naxariisto
Marxuum Haybe Axmed Yuusuf oo ku geeryooday shil baabuur oo uu ku galay aagga
magaalada Berbera. Geeridan naxdinta leh waxa aan uga tacsiyaynayaa dhammaan
qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan Qaranka. Marxuumku wuxu
ahaa shakhsi samadoon ah oo jecel dadkiisa iyo dalkiisa.
Waxa aan Ilaahay uga
baryayaa Marxuumka dambidhaaf iyo naxariis waasac ah, waxaanan u weydiinaynnaa
inuu ka abaaliyo wanaaggii iyo samihii uu ummaddiisa u galay. Si gaar ah,
dhammaan ehelka iyo qaraabadana waxa aan Ilaahay ugu weydinayaa Sabir iyo
Iimaan saadiq ah.