Golaha Wadatashiga Somaliya Oo Ku Heshiiyay Inay Dalka Ka Dhacdo Doorasho Qof Iyo Cod Ah.
Shirkii maalmahanba u
socday Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ayaa xilli dambe oo xalay ahayd
la soo gebagebeeyey, iyada oo laga soo saaray bayaan ka kooban illaa 12 qodob,
kaas oo ay qalinka ku duugeen, madaxda xukuumadda dhexe iyo weliba
madaxweynayaasha maamulada Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo
duqa caasimadda Muqdisho.
Sida lagu sheegay
warsaxaafadeed ka soo baxay dhammaadkii shirka, ayaa lagu sheegay in dawladda
heer federaal iyo maamul goboleedada ka qayb galay kulankani inay ku heshiiyeen
"inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan
laba xisbi qaran oo keliya, taas oo noqonaysa nidaamka matelaadda
isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Representation-Closed List).
Liisaska xisbi walba waa in aysan ka badnaan laba-laab kuraasta loo tartamayo,
kana yaraanin tirada guud ee kuraasta loo tartamayo." ayaa lagu sheegay
qodobka koowaad ee heshiiska.
Golaha ayaa isku raacay
in kuraasta lagu tartamayo laga soo doorto deegaan doorashooyin.
Qodobka saddexaad ee
heshiiska ayaa dhigaya, in xubnaha golaha shacabka ay dadweynuhu si toos ah oo
qarsoodi ah u soo dooran doonaan, iyada oo lagu salaynayo nidaamka xisbiyada
badan.
Qodobka lixaad ayaa
sheegaya in doorashada xubnaha golayaasha deegaanka si toos ah ay u soo dooran
doonaan bulshada ku nool degmadaasi, iyada oo ay ku tartami doonaan ururada
siyaasaddu. Waxaana xisbiyo qaran u soo gudbaya labada urur siyaasadeed ee ugu
codka badan.
Qodobka toddobaad ee
heshiiskan ayaa lagu sheegay in si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka
JFS loona dardargeliyo habsami u socodka dowladnimadeena, waxaa dalka uu
qaadanayaa nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-Xigeen. Madaxweynaha iyo
Madaxweyne ku-Xigeenka waxaa hal warqad ku dooranaya shacabka Soomaaliyeed
ayadoo lagu salaynayo nidaamka xisbiyada badan.
Doorashooyinka dalka
ayaa la isku raacay inay dhacaan, shantii sanoba hal mar, iyada oo
doorashooyinka dawladaha hoose ay dhici doonaan, 30-ka bisha June ee sannadka
2024, halka doorashooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenka ee Dawladaha Xubnaha ka
ah Dawladda Federaalka ah ay dhici doonto bisha November ee sannadka 2024.
BBC