Safaaradda Maraykanka Oo Ka Cabatay Bahdil Ay U Gaysteen Ciidamado Soomaaliyeed
Warqad loo dusiyay warbaahinta oo si gooni ah ugu
socotay wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse, ayaa
safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya waxay uga cabatay ciidamada Soomaaliyeed ee
ilaalada qaaska u ah ra’iisulwasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha dawlad
goboleedka Koonfur-galbeed, iyaga oo ku tilmaamay "dhaqankooda mid aan la
aqbali karin”.
Safaarada Mareykanka ayaa ka cabanaysa arrin ka
dhacay xafladda sagootinta danjiraha Mareykanka ee xilkiisu dhammaaday, Larry
Andre, oo lagu qabtay gudaha Xalane, qeybta dublumaasiyiinta ee Diplomat
Freight Service (DFS). Xafladda ayaa dhacday 17 kii bishaan May.
Waqradda ayaa lagu yiri: "Ciidamadeenu waxay ku
sugnaayeen iridka goobta ay ka dhacaysay munaasabaddu, ilaalada ra’iisul
wasaaraha iyo madaxweynaha Koonfur-galbeed…waxay bahdileen xubno kamid ah
kooxdeenna ammaanka qaabilsan”.
Sidoo kale waxay safaaradu sheegtay in ilaalada
labada masuul ay hub ula soo baxeen, una gacan qaadeen saddex xubnood oo ka mid
ah shaqaalaha safaaradda.
Safaaradda ayaa
warqadaan ku dalbatay in la ganaaxo ciidamada falka geystay.
BBC Somali waxay la
xiriirtay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, si ay wax uga waydiiso
cabashadan ay ka gudbiyeen ciidmada Soomaaliyeed. Balse waxay noo sheegeen in
aysan dooneyn in ay si shaacbaxsan uga hadlaan arrimaha quseeya xiriirka
diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya waddamada.
Dhanka kale Sarkaal ka
tirsan wasaaradda arrimaha dibeda ee Soomaaliya, ayaa BBC Somali u sheegay inay
cabashada Mareykanka soo gaartay, laakiin aysan weli ka jawaabin. Magaciisa
ayuu ka gaabsaday maadaama uusan fasax u haysan in uu arrimahan kala hadlo
warbaahinta.
Xiriir aan la sameynay
Wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse, nooma suurtogalin
in aan jawaabtiisa helno. Wasiirka iyo xubno kale oo uu hoggaaminayo ayaa hadda
ku sugan magaalada Moscow ee Ruushka, halkaas oo uu kulammo iyo shirar kula
leeyahay wasiirka arrimaha dibeda ee Ruushka Sergey Lavrov.
Waa masuulkii ugu
sarreeyay Soomaaliya ee booqasho ku taga Ruushka, tan iyo markii markii uu
bilowday dagaalka Ruushka iyo Ukraine.