Kaalin Shidaal Oo Ku Taal Berbera Oo Gubatay & Ciidanka Dabdamiska Oo Ka Hadlay
Ciidanka Dab-demiska magaalada Berbera ayaa damiyay dab qabsaday Kaalin Shidaal Oo Ku Taala Xaafada Shacabka, Ee Degmada Moosko.
Sidoo kale waxaa iyadana ciidamada Dabdemisku
damiyeen dab ka kacay Booyad, waxaana ciidamadu guud ahaanba xakameeyeen
hantidii kaalinta, gaadiidkii iyo meheradihii u dhawaa.
Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta
dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey Meheradihii u dhawaa,mana Jirin khasaare
dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay. Sababta Dabkan dhalisay waxaa ku
socota baadhis.
Ciidanka Booliska degmada Wada-jir ayaa iyaguna
dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay, waxaana had iyo goor Ciidanka Booliska JSL
si dhakhso ah u yimaadaan goobaha hawlgalada dabku ay ka dhacaan ee gobolada
iyo degmooyinka dalka.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa
bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara
dab.
Allah Mahad leh
Ciidanka Dab-demiska magaalada Berbera