Muuse Biixi Oo Shantii Sanno Ee La Doortay Ku Dhamaystay Xadhig, Canaan iyo Muran Ku Jiqsiiya

0
Saturday May 27, 2023 - 10:50:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Shantii Sanno Ee La Doortay Ku Dhamaystay Xadhig, Canaan iyo Muran Ku Jiqsiiya

    "5 sano oo muran ku jiqsii garnaqsi iyo canaan iyo xadhig ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"5 sano oo muran ku jiqsii garnaqsi iyo canaan iyo xadhig ah"


 


Hargaysa (HWN) Xoghaye ku-xigeenka ganacsiga xisbiga WADDANI Cabdirashiid Saleebaan Maxamed ayaa sheegay in Somaliland ay gashay marxalad hubanti la’aan siyaasadeed ah.

 

Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in dib udhaca badan ee ku yimid qabsoomida doorashooyinku ay gaabis ka dhigtay horumarkii dalka, sida uu xoghayuhu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-

 

 

"Somalilad waxay gashay xaalad hubanti la’aan siyaasadeed. Doorashooyinka muddo dhaafka noqdaa waxay hagasiyaan horumarka dalka, is-aminaad daro bulsho iyo gaabis ku yimaada danaynta iyo kaalmada horumarineed ee Beesha Caalamka.

 

Badeecadda kaliya ee ay Somaliland adduunka ka iibisaa Waa doorashooyinka,  sumcaddii 30 sano aynu ku lahayn adduunyada maaha in loo baabiyo  muddo kordhin aan sharci ahayn cida maanta midida daabkeeda haysa ayaa ku Amaan iyo dhaliil mudan doonta taariikhda ay ka tagaan Waana mid qaamuska u gali doona. Damac qof danta dadka iyo dalka ayaa ka wayn.

 

Madaxwaynaha muddo xileedkii  sharciga ahaa ee aynu dooranay uu ka dhammaaday waxaan xasuusin lahaa taladii shariifka ahayd ee uu hore u qaatay madaxwayne Daahir Rayaale ee ahayd doorasho ayaan qabanayaa isaga oo wasiirradii ka ag dhawaa ay ku dhiri galinayeen inuu kursiga si sharci daro ah (extension) uu ku sii fadhiyo  tiisii bay noqotay doorasho ayuu kursigii galiyay Waa taariikh nool dadku wuu tagayaa laakiin taariikh baa hadhaysa (history repeats itself) Somaliland halkaa waxay kusoo gaadhay (dialogue and compromise).

 

Xukuumadda waxaynu siinay fursad 5 sano ah wixii ay dadka iyo dalka galiyeen bay ahayd inay imansadaan oo kursiga tartan galiyaan, waxaanse xasuusinayaa saaxibada tartanku naga dhexeeyo maaha wax la,idinka amar qadanayo dalkana sida rabitaankiinu yahay uma haysan kartaan waad tagaysaan aqbala isbadalka, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Ninba taagtii togay kaa maal.

 

5 sano oo muran ku jiqsii garnaqsi iyo canaan iyo xadhig ah waxaynu uga gudbi doonaa 5 sano oo barwaaqo ah is ogol bulsho iyo horumar.” Ayuu yidhi xoghayuhu.


Loading...
Loading...