Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Dooday Xeerka Shirkadaha Caymiska

0
Saturday May 27, 2023 - 10:36:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Dooday Xeerka Shirkadaha Caymiska

    Mudanayaasha qaar ayaa iyaguna waxa ay soo jeediyeen in laga fiirsado ansixinta xeerka Caymiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudanayaasha qaar ayaa iyaguna waxa ay soo jeediyeen in laga fiirsado ansixinta xeerka Caymiska


 

Hargaysa (HWN) Fadhigii saaka ee mudanayaasha golaha guurtida oo uu shir-guddoominayay gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha, mudane Siciid Jaamac Cali ayaa waxa ay ka doodeen xeerka shirkadaha Caymiska, xeer number 104/ 2022 oo ka soo gudbay golaha wakiilada Somaliland.

 

Mudanayaasha dooda ka qayb qaadanayay ayaa qaar ka mid ah waxa ay soo jeediyeen in xeerka shirkadaha Caymiska la joojiyo, iyaga oo ku sifeeyay in aanu dan u ahayn bulshada cid gaar ahna loo xidhay .

 

Mudanayaasha qaar ayaa iyaguna waxa ay soo jeediyeen in laga fiirsado ansixinta xeerka Caymiska, isla markaana uu goluhu guddi u  saaro ka soo talo bixisay xeerka.

 

Ugu danbayn guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida mudane Siciid Jaamac Cali ayaa ku wareejiyay xeerka shirkadaha Caymiska guddida dhaqaalaha golaha guurtida si ay turxaan bixin ugu sameeyaan xeerka, kuna soo celiyaan golaha maalinta Sabtida ah.


Loading...
Loading...