Geedi Dhaatay Baan Ahay ( Abdi-Shotaly)

0
Saturday May 27, 2023 - 10:00:51 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geedi Dhaatay Baan Ahay ( Abdi-Shotaly)

    * N.B Calooshii u guuxaw, Geeda-haaga iska daaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Calooshii u guuxaw, Geeda-haaga iska daaq.

 


Akhristaw waxan maanta halkan in yar ku odhanayaa, qaar khiyaali ku nool, oo isku maaweeliya been iyo huuhaa, iyaka oo ah kuwa Xumaanta dalka iyo dadka uu ku hay maamulka asakriga " Raggii ma adigaa ka hadhay".

 ee ah eexdda, kala qaybinta bulshadda, qabyaaladda, laaluushka xildhi-baanadda, qoys-kiisa uu u gacan geliyey hantiddii ummadda, dhulkii dan yarta iyo inta taagta daran boob ku xoogay, sheegtay caaqil beeleed, ah kii Somaliland oo dhawr bilood oo keliya jirtey, dagaalka sokeeye ku bilaabay, imikana ku dhaameeyey dalku siduu u dhan yahay daraf-ilaa daraf, oo mee feyoobi aanay jirin,colaadda dhex dhigay beelihii halganka ku wadda jirey, afartii madax-weyne ee ka horeeyey-ba wuxuu ku samaynaayey la ogaa, askariga sidaas ku sifaysan, ee taariikh-daas leh, kuwa u sacab tumaya ( Uma jeedo reer) ee waa shakhsiyaad gaar ah, waa kuwa maqaaladda iyo kilib-yadda aan duubo ee aan Hadhwanaagnews ku qoro, had iyo jeer qaybta fekradaha rayidka ( public Comments Section-ka) ku soo feygara, difaaca askariga jaho wareersan iyo waxa uu walaaqaayo, ee ku salysan cuqdadda beerka jiifta, xoog-siga iyo boobka hantidda ummadda ee uu sidda gafanaha uga soo go'ay. iyaka oo aan og-nahay sababta ay ugu taageerayaan waxa ay tahay. 

Maah-maah baa waxay tidhaahaa " Laba bide beerka iska og". kuwa noocaas ah baa aniga raba in ay wax iga sheegaan, oo yidhaaha reer buu la col yahay, iyaka oo ay ku cadahay in maamulka askariga ugu hiilinayaan waa beeshayadda ee maxaad dhaliishiisa u sheegaysaa, hadana kuula imanaya Somaliland aynu difaacno. 

Saw maaha "Xamiido nina way rabtaa, haab-keedna ma hayso" Aniga oo u dagaalamaaya hadh iyo habeen, wadda jirka ummadda Reer Somaliland, sinaan-teedda, cadaala-deedda, xaq-soor-keedda, midnima-deedda, oo aan loo kala ab-tirin, lana soo kala dhawaysan ee si cadaalad ku dhisan loogu qaybiyo hantidda ummadda, oo aan musuq-maasaq iyo anaa awood lehi jirin, sidaan doono baan ka yeelayaa, ilaa xaalka sidaa laga bedello. Wax kala soconayaa ma jiraane ee ku biya caba. Waxan leeyahay kuwaas " Isku hayn iyo kala hayn" mid ha la iddinku yimaado

 

 

Intaas waxan ku daray, maanso aan isugu kiin sharaxaayo waxa aan ahay, iyo qaabka aan u shaqeeyo, farsamadda askariga iyo idinku waxad tihiin, iyo waxad aad difaacay-saan oo ah xumaanta saamaysay ummaddii is jeclayd, maansadan waxa la yidhaahaa " Geesi Dhaatay Baan Ahay" ee ku soo dhawaadda kuwa xaqiiq-dda indhaha ka-ka laliyaw, hadana raba in ay raad gataanaw. idinka oo leh sifahii ay sheegaysay Maah-maah-ddii ahayd " Waraabaw in aad saamo jiido iyo sanqadh tirasho kala daa" waana tane iga hooya:-



 

Niman-yahaw gob baan ahay, gog-bob dhaaftay baan ahay,

gobi sii dhashaan ahay, hooyaday gobaad baa,

Gosha aan ku seexdoo, goga aan ka nuugoo,

Garays-keedda huwadoo, guudkay-gu qaadoo,

I Gar-daadisee garo, Abtigayna Gobanimo

Galad aan cid kale helin, baa lagu guneeyoo,

Ku gar-gaaray Eebbuhu, ima goyso gudin-tuna

Layma gaadi karayoo, geedkaa saraan ahay,

Halyey gaara baan ahay, geesi dhaatay baan ahay,

Inan Geed Adayg ahay, halkaas baad ka garataa.

 

Ragu golahu leeyahay, gadaal layma eegee,

Ka gudoomi-naayiyo, gadh-wadeenki baan ahay.

Martidoo gab soo tidhi, Bakhayl baa ka gaabshee,

Ninka gogol u fidiyee, qala goola-shaan ahay,

Gar hadii ay noqotana, halka ay u go'ay-siyo,

Gobodaan abaaraa, guurtidaa ka talisee,

Gar-daradda shakaashiyo, ka gunaana-daan ahay,

Markay gacan timaadana, guusha oon hadhsada'iyo,

Guduntii af-weynee, wax garaacdda baan ahay,

Gacalkay dhamaan-tood,somalinad guud, guula-heen ha daayee,

Garab-kaygi weeyaan, weligay ma gaasirin,

Gurgursha-hoodi baan ahay, halkaan cadaw ka gawriyo,

Ayey igula guuraan, gacan-taydi midig iyo,

Gaashaanki weeyaan, ma geyaan xumaan idil.

Goob-yaalka xaajadda, kolka gacal is diidee,

Inba gees u boodee, galka seefta kala baxo,

Gurmad weerar kiciyiyo, guluf uu is dhaafee,

Googaa-laysi ay tahay, kaan godobta talinee,

Xaqa gaw ka siiyee, kala siiya gashigee,

Guri nabadda dejiyee, Gacanta isu saaree,

Ku guntadda Wanaagee, gawraca xumaantiyo,

Ninka kala guraayiyo, geeri jooji-yaan ahay.

 

Gab-gablaha askari-giyo, kuwa daba gucleeyee,

Loo tuuro guuf-kee, hoor-sadda gacmaha'ee,

Guudka milil ka dhayayee, loo diraayo gacal-kood,

Gabal-kiyo habeenkii, ka gurguurta hoostee,

Gurdo yaaca dhuuntee, ku gabanaaya reer hebel,

Misna boqonta gooyee, ku gabraarta beentee,

Gabaarey-dda shilin-tiyo, sidda gafanaha naaxee,

Gurgur-shaha askariga ah, Gaaf-wareega beelaha,

U ordaaya gaar-kood, cidhib-tood gum weeyaan,

Gabal-koodu wuu dhacay, Shir-gudoonki laga qaad,

Haday gebi ka duuleen, guul daraddii u weynayd,

Gunta hoose gaadheen, goof cidla ah fadhiis-teen,

Geeridda hor-teed go'e, Rabbi baa gabaanaday,

Guhaad bay ku nool-yiin, gunimadda hogeeddii.

 

Isna guun xun weryaan( Waa Skariga'e), Gocor aad u liitoo,

Garashiyo aqoon-tiyo, ka goblamay dad-nimadoo,

Gunta hoos ka sii xiga, ima gaadhi karay-saan,

Sidda galawga qayshiyo, giriyaale fulay iyo,

Ciyaw galab baroor-tiyo, guduri baad la nooctiin,

Waa gedaad u hadasheen, abidkaa galaydh-yee,

Isku tuur Gelge-limaa, Wuxu raabsho Gaws-kiyo,

Waxaad Iliga geli-saad, Baadi goobaysaa abid,

 

Geed Biixi'yaan ahay, Nina aanu goyn karin,

Gawskiisa Caabudin, ma gabade ilaah diray,

Ka gadooodda xumahoo, gacantana an loo qoyn,

Nina aanu gilgili karin, calooshii u guuxaw,

Geeda-haaga iska daaq, gunadaada iska guro.

Gooja-daadda beenta ah, cidla-daas la guur-guur.

Gebgeb-law ayaamahan, Soo guro hub-kaaggii.

Gudma-haad afay-siyo, waxad helayso soo guro,

Beentii gamuud-nayd, hadda way gamuur-meen.

Anaa gooshkan taliyaad, ku gunaanad seegtee,

Waa gabaabsi-gaaggii, saaka goobtad joogtaa,

Shir-gudoonki seegta'e, maxaad galabta haysaan.

Waa Galad Illaahay, ilma-daas ku gobo lihi.

* N.B Calooshii u guuxaw, Geeda-haaga iska daaq.

Abdi-Shotaly,

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...