Doorashada Turkiga: Haddii Isbedel Dhaco Saameyn Ma Ku Yeelan Doonaa Xiriirka Soomaaliya?
Maalinta Axadda ee
28-ka bisha May 2023, waxaa Turkiga laga qabanayaa wareeggii labaad ee
doorashada Madaxweynennimo. Waxaa ka qeybgelaya dad gaaraya 60 milyan oo
codbixiyaal ah.
Waxaa ku loollamaya madaxweynaha
haatan xilka haya ee Recep Tayyip Erdogan iyo hoggaamiyaha isbahaysiga
mucaaradka Turkiga Kemal Kilicdaroglu. Arrimaha lagu loollamayo ee saameynaya
go’aanka codbixeyayaasha waxaa ugu waaweyn dhaqaalaha, qaxootiga Suuriya iyo
siyaasadda arrimaha dibadda.
Erdogan waxa uu 20 sano
soo hoggaamiyay Turkiga—markii hore Raysulwasaare ahaan kadibna madaxweynenimo.
Tan iyo markaas, waxaa sii kordhay xiriirka dalkiisu la leeyahay dalalka
Afrika. Erdogan waxa uu Afrika ka arkay fursado dhaqaale, ciidan iyo
diblomaasiyadeed. Xariirka u dhexeeya Ankara iyo Qaaradda Afrika waxa ay u
badan tahay in uu sii xoogaysan doono haddii Madaxweyne Erdogan muddo shan sano
oo dheeri ah xilka loo doorto.
Siyaasadda arrimaha
dibadda Turkiga ayaa la filaa isbedel inuu ku yimaado haddii uu guulaysto Kemal
Kilicdaroglu, oo ah ninka la tartamaya Erdogan ee hogaamiya isbahaysiga
mucaaradka. Kilicdaroglu ayaa u janjeera dhanka Yurub iyo reer galbeedka,
waxaana loo badinayaa inuu Afrika mudnaanta siin doonin.
Arrintaas maxay uga
dhigan tahay Soomaaliya?
Soomaaliya waxay kamid
tahay dalalka Afrika ee Turkigu xariirka wanaagsan la leeyahay. Tan iyo markii
Erdogan booqday Muqdisho Agoosto 2011, waxaa kordhay xariirka labada dhinac.
Ugu horreyn, Turkigu
wuxuu kaalin libaax ka qaatay gurmadka abaartii 2011 ka dhacday Soomaaliya
taasoo galaafatay nolosha dad tiradoodu ku dhowdahay nus malyuun. Hay’ado dawli,
kuwa aan dowli aheyn iyo maalqabeennada Turkiga ayaa olole weyn billaabay, oo
loogu gurmanayo Soomaaliya. Howlgalkaas waa kii ugu weynaa taariikhda dalka
Turkiga ee banii’aadamnimo. Turkigu illaa haatan taageero bani’aadamnimo ayuu
ka geystaa Soomaaliya in kastoo aysan muuqan inta badan.
Waxaa ku xigay
mashaariic horumarineed inuu Turkigu ka billaabay Soomaaliya. Waxay iskugu
jireen kuwa dawlad dhiska Soomaaliya kaalin ka geysanaya sida dhismayaasha
kaabbayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada, taageero miisaniyeed iyo
kuwa siyaasadeed sida dhexdhexaadinta Dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo
Somaliland.
Haddii isbedel
siyaasadda ka dhacoTurkiga arrimahaan saameyn taban ayu uku yeelan karaa. Hase
ahaatee, meelaha uu saameynta xooggan ku yeelan karo waxaa kamid ah dhinaca
amniga. Turkigu wuxuu kaalin ka geystay taagerada ciidamada Soomaaliya si ay
ammaanka iyo xasiloonnida dalka u sugaan. Waxa uu dalka gudahiisa iyo
dibaddiisa ku tababaray kumanaan ciidanka ammaanka Soomaaliya kamid ah.
Sanadkii 2017 Turkigu Muqdisho ayuu ka furay xero tababar ciidan, oo casri ah.
Tababarradaas waxay kaalin weyn ka geysanayaan dadaalka Dowladda Soomaaliya ee
xasillooni kusoo dabaalidda dalka, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha Al Shabaab
iyo Daacish. Isbedelka hoggaanka Turkiga waxaa suuragal ah inay ka dhalato inuu
yaraado—ama istaago—taageerada dhinaca amniga ah ee dawladda Turkigu siiso
Soomaaliya.
Tan labaad waa
ganacsiga. Badeecooyinka Turkigu suuq wanaagsan ayay ku leeyihiin Soomaaliya,
taasoo ka dhalatay xariirka wanaagsan ee labada dhinac. Ganacsato badan oo
Soomaaliyeed baa Turkiga u safra si joogta ah si ay u soo iibsadaan
badeecooyinka kala duwan ee laga helo Turkiga sida cuntada, dharka iyo daawada.
Waxaa dhici karo isbedelka inay ka dhalato in ganacsatu heli waayaan fiisaha
Turkiga, taasoo sababi karta hoos u dhac ku yimaada ganacsiga labada dhinac.
Sidoo kale, gaabiska fiisuhu waxa uu saameyn karaa Soomaalida Turkigu u
imaanaysa caafimaadka, waxbarashada iyo dalxiiska.
Ugu dambeyn.
Hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu waxuu ballanqaaday inuu la
dagaallamayo qaxootiga, taasoo kor u qaadday naceybka soogalootiga saameynna ku
yeelatay Soomaalida Turkiga degan. Isbedelka Kilicdaroglu waxaa ka dhalan kara
in iqaamada loo diido Soomaalida Turkiga deggan ee ganacsatada, ardada iyo
qoysaska iskugu jira.
Turkigu maxaa kaga lumi
kara dib-u-gurashadiisa?
Dib-u-gurashadu waxay
dhaawici kartaa danaha Turkiga ee Soomaaliya iyo Afrika guud ahaan. Kow, waxay
saameyn doontaa ganacsiga sii kordhaya ee Turkigu la leeyahay Soomaaliya,
ayadoo yareyn doonta badeecooyinka ay suuqyada Soomaaliya u dirto. Taa
bedelkeeda, waxaa ka dhalan karta ganacsatada Soomaaliyeed ee waayay dalku
galka Turkiga inay meelo kale u raadsadaan badeecooyin, taasoo keeni doonta
dalal kale inay galaan kaalinta Turkiga.
Tan labaad waa
maalgashiga mustaqbalka dhow ee Soomaaliya. Haatan Dowladda Fadaraalka
Soomaaliya waxay xoogeeda iskugu geynaysaa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Sidoo kale, waxaa dhismaya hay’adihii dowladda ee maamula dhaqaalaha,
siyaasadda iyo garsoorka. Waxaa faafaya fadaraalka dalka, ayadoo maamulku u
daadegayo heer dowlad goboleed iyo heer deegaan. Turkigu waxa uu kaalinta hore
uga jiraa dalalka doonaya inay maalgashadaan qeybgaha kala duwan ee dhaqaalaha
ee Soomaaliya markii deganaan amni iyo mid siyaasadeed ay Soomaaliya gaarto.
Sidoo kale, badaha iyo dekadaha Soomaaliya waxay noqon doonaan xarumo muhiim u
ah ganacsiga dunidu uu la yeelan doono suuqyada Afrika, gaar ahaan Geeska
Afrika oo kamid ah meelaha ugu dadka badan qaaradda Afrika. Dib-u-gurashadu
waxay dhaawici kartaa fursadaha maalgashi ee Turkiga uga furmi kara Soomaaliya
mustaqbalka dhow.
Soomaaliya waxay kaalin
muhiim ah kaga jirtaa siyaasadda Turkiga ee Afrika. Gargaarka iyo mashaariicda
horumarineed ee Turkigu ka qabtay Soomaaliya waxay kor u qaadday sumcadda
Turkiga. Dalal badan oo Afrika ah iyo shacabkooduba waxay Turkiga u arkaan dal
noqon kara saaxiib lagu kalsoonaan karo, kaasoo geeddi-socodka dawlad
dhiskooda, ammaankooda iyo hormarkooda dhaqaale wax ku tari karo sida
Soomaaliya oo kale. Haddii Turkigu dib uga gurto Soomaaliya ayadoo weli baahi
xooggan u qabta taageradiisa, waxay dhaawici kartaa caannimadiisa iyo xiisaha
sii kordhaya ee looga qabo Turkiga ee Afrika.
BBC