Waa Kuma Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Puntland Ee La Ammaanay?

0
Saturday May 27, 2023 - 08:44:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Puntland Ee La Ammaanay?

    "Waxaan imid iyadoo keliya doorashada 3 degmo la qabtay oo ay kukhilaafeen guddoomiyaha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan imid iyadoo keliya doorashada 3 degmo la qabtay oo ay kukhilaafeen guddoomiyaha"


 


Puntland shalay waxaa ka qabsoontay doorashada golayaasha deegaanka taas ka qabsoontay sodon degmo oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

 

Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Saciid waxa uu qabtay doorashadii ugu horreysay oo qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya ilaa tan iyo lixdameeyadii. Ammaan iyo boogaadin dhanka beesha caalamka ah iyo gobolka ayay hanteen isaga iyo guddiga la shaqeynaya.

 

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu boogaadiyay shaqada hufan ee ay qabteen guddiga KMG ee doorashooyinga Puntland.

 

Waxaa xusid mudan in markii uu xilka qabanayay la qabtay doorashada 3 degmo oo keliya waxaana guddiga uu hoggaaminaya muddo 15 gudohood ah ugu suurogashay inay xalliyaan caqabado dhowr ah.

 

"Waxaan imid iyadoo keliya doorashada 3 degmo la qabtay oo ay kukhilaafeen guddoomiyaha iyo dowladda, guddoomiyaashii la doortay la dhaarin, wax qorshaha oo in doorashada la qabta ah ma diyaarsanayn, misaaniyad doorashada loogu talagalay ma jirin, dhammaan waxaas oo dhan waxaan ku xallinay oo aan ku gabgabeynay sannad iyo shan bilood,” ayuu u sheegay BBC-da guddoomiye Cabdirisaaq.

 

Haddaba waa kuma guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Saciid?

Guddoomiye Cabdirisaaq waxa sannadkii 1985 ku dhashay degmada Dhaxar ee gobolka Sanaag.

 

Waxa uu shahaada koobaad iyo tan labaad ee Jaamacdda ku qaatay dalka Uganda isagoo ka qalin jabiyay kuliyadda Nabadda iyo Xallinta khilaafaadka Caalamiga ah.

 

Cabdirisaaq ayaa sidoo kale shahaada kale oo labaad hadda ka dhameyay jaamacad Talyaaniga ku taal taas oo uu taqasuskeedu yahay qabashada doorashooyinka.

 

Ka hor inta uusan noqon guddoomiyaha doorashooyinka Puntland waxa uu ahaa cilmi baare mashaariic kala soo shaqeeyay hay’ado caalami ah sida Bangiga Aduunka iyo Altai Consulting oo fadhigeedu yahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

 

Sannadkii 2019-kii ayuu xubin ka noqday guddiga ka hor inta aanan guddoomiye loo dooran bishii Janaayo ee sannadkii 2022.


Loading...
Loading...