Shalay Maxaan Arkay!
Saxafiyad Bushaaro Baanday oo ku
xidhnayd saldhiga dhexe ee magalada
hargeisa ayaan subaxnimadii hore u qaaday quraacdii markaan u geeyey waxay
isheegtay in maxakamada la geynaayo oo aan sidaa kaga war,hayo ehelka iyo
asaxaabta kalena u sheego, waxan usoo
baxay dabada xili mobelkayga askariga dabada fadhiyaa hayey oo aan kaga imi,
isla markaan maraayey barxada jeelka kolay cidii gashay waa garanaysaaye baan
usoo baxay ciidan tiro badan oo aan ahayn kuwii jeelka iyo gawaadhi qafilan oo
jeelka hortagan, markaan wiilkii aan mobelka u dhiibtay, xagiisa usoo dhaqaaqay
baa hal mar laygu qayliyey oo si aanan jeclaysan layla hadlay, waxan ku idhi
isug mobel kayga qateee waan sii socdabee,
Waan kasoo baxay jeelkii oo waxan is
taagay meherad kasoo horjeeda mise walaahi aagaba ciidan baa haysa oo xataa
isku socodkii baa la joojiyey bulshada haday gaadhi tahay iyo haday dad lugay naya tahay, waxa gabi ahaanba la dhaqaajiyey guud ahaan
gawaadhidii bulshadu lahayd ee agagaarka jeelka taagnayd,
Anigu waan yabanahay oo tellefano ayaan
dirayaa si anoo ehelkeedii iyo asaxaabteediiba ugu sheego saaka in maxakamada la gaynaayo oo looga war hayo , halkaan taagnaa bay ciidankii cusbaa ee
meesha la keenay laba ka midi igu yimadeen iyagoo ileh barwaaqooy meeshan cid
loogama ogolee ka dhaqaaq, anoo yaban
baan ku idhi walaal meherad qof leeyahay baan hortaganahay wllhi waxaad
qarsanaysaan garan maayee. Si wacan baabay ila hadleen oo waxay dheheen walaal
meeshan ka dhaqaaq anagu amar uun baanu qadanaa ee qof iskama doonanee si wacan
aan kuu garanaynaa ee wll na maqal oo goobtan ka dhaqaaq wana ka dhaqaaqay oo
waxan tagay hotel Damal wadada yar ee ag marta.
Ka dib bushaaro Baanday waa la qaaday
iyadoo gaadhi qafilan lagu qaday oo gawaadhi kale oo ciidan saranyahayna
galbinayso.
Isla markiiba waxan ka daba fuulay gaadhi
dhaweeye ah oo aan kaga daba tagay maxakamada mise ilahay baan ku dhaartee
maxakamadana ilaa wadada laga dego ilaa ta maxakamada racfaanka hor marta
ciidan baa haysta.
Intaan gaadhiga saarna waxaan wacay
garyaqaan guleed dafac iyo walaalkay Ahmed Daud oo gudaha maxakamada ku jira waxayna idheheen wll waan joognaaye soo gal
waan soo galay, wana u imi Qareenkii u doodaayey bushaaro iyo Ahmed da,ud iyo
guleed iyo wiil kale oo wada jooga.
In yar ka dib baa waxa meeshii lasoo
galiyey gaadhigii bushaaro siday iyo ciidan barbar yaacaya, isla markiiba nin
anan magiciisa iyo wajigiisa garanayn baa intuu gaadhigii kasoo degay xoog u
qayliyey oo yidhi waar ninkaa iga soo saara, waar iga soo saara oo dabade iga
geeya, mar kudha ayaaa hareertayda
lagala haaday oo ciidan dhawr ahi jiideen walaalkay Ahmed da,ud oo agtayda
tagan.
Markii Ahmed la kexeeyey baan ana sii
jeestay si aan wajigayga loo aqoonsan mise ninkuba waa na garanayaa oo askartii
Ahmed ka xaysay mooyee kuwo kale baa intuu xoog u qayliyey yidhi waar naagtan
yar iga soo saara sidee bay u soo gashay, mise dumar ciidan ah oo goobta tagan
iyo rag baa laygu soo daray oo isoo kexeeyey , isna waxa lasoo saaray saxafi
xassan galaydh oo goobta joogay, aniga iyo xasan galaydh iyadoo nala sii wada
ayaa waxa lasoo rogay bushaaro Baanday oo labada gacmoodba ay kaga jabsan tahay
KATIINAD oo ilmaynaysa ugu yaraan 6 nin
oo qoryo si tana dacal socdaan, gabadhina gacmaha ay ka xidhan tahay hayso,
Waxan is weydiiyey oo aan marnaba wllhi
niyadayda ka baxayn dhaqamada argagaxa leh oo muwaadinad dalkeedii ku xidhan oo
waliba iyadu dhibane ah oo dhaawacyo qabta sidaa loogu galaayo wali niyadayda kuma soo dhicin bushaaro iyo
dad qadiyada somaliland ku weyn tahay baa ku dhex ooyi doona, se tusaale hay ahaato ciilka iyo
calool-yowga aan markhaatiga ka ahaa,
midhna maanta iga qoroo.
Walaahi taliskani tubtii buu hayaa
talisyadii hoogay
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!