Maanta Cadaw Ayaynu Is Haynaa Ee Maaha Maalintii Aynu Inagu Isku Mashquuli Lahayn.

0
Friday May 26, 2023 - 21:23:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 823
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanta Cadaw Ayaynu Is Haynaa Ee Maaha Maalintii Aynu Inagu Isku Mashquuli Lahayn.

    Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela



 

Inta uu afka kuu soo yuubo ayuu ku odhanayaa maanta cadaw ayaynu is haynaa ee maaha maalintii aynu inagu isku mashquuli lahayn.

 

Marka aad tidhaa cadawga aynu is haynaa waa ayana waxa uu ku odhanayaa waa Daarood.Waar daaroodna garan maysid ee orodoo doqonimada nagala tag. Daarood maxaa naga dhaxeeya ee aanu isku haynaa?.

 

Hadda ogoow oo waxaas oo dhan waxa loo samaynayaa ee cadawga khiyaaliga ah loo abuurayaana waa in colaad dibada ah la furo si Xukuumada Muuse ee fashilka ah indhaha shacabka looga jeediyo.

 

Hadday taasi socon waydana heego waxba kuma ah in shacabka Somaliland laftiisa isa sudho oo beel ba ay beel ku qanjiidhiso.

 

Waxaana taas iiga marag ah dhacdooyinka maalin laha ah ee dalka ka dhaca mid walba waa la reereeyaa. Cidda reeraysa ee dabinadaa xidhaana cid kale maaha ee waa heego oo rabta in ay beelaha isa wada sudho.

 

Waayo? Boqolaal nafood in ay dhintaan iyo in reero dhan isku rogmadaan waxa iyaga kala wayn oo ay ka doorbidayaan in Muuse kursiga ku sii fadhiyo.

 

Laa yaa heego.

 

Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...