Midh Waayeel Na Meel Iigu Qor.
Si siilaanyo Habarawal cod uga helo oo Dahir riyaale ula coloobaan 2008
dii waxa Colaad laga abuuray "Caada" oo xitaa nin ka tirsanaa kulmiye
Dad safar ah wadada ku gawracay.
In muuse Cod ka helo Habarjeclo waxa colaad laga abuuray Ceelafwayn oo
dagaal 3 sano socday ka dhacay .
Iminkana si maxamed kahin Codkii jeegaanta u wada helo markay doonayaan
inay doorasho qabtaan oo ah 2024 bisha 11aad meel kastoo garxajis dagantay oo
colaad laga abuuri karo waa laga abuurayaa.
Qaarbaa moodaya sidooda in Dadku bilaa qorshe iyo wada Nabad doon yahay.
Garxajis waxaan kula talin lahaa intay iska iloobaan cod baa kursi lagu
helaa inay sidii raga yidhaahdaan ama waan ka talin ama waan Dumin ee mid soo
kala doorta. Ina rag suubaasalaax kama helo
By Yusuf Siyad
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!